Xalqadda 3aad: Agoomaha Xeryaha Qaxootiga: Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an (قلبي اطمأن )

 


Xalqaddan Qays waxa uu u tegayaa carruurta agoomaha ah ee ku nool Xeryaha Qaxootiga. Wiil yar oo teendhooyin ag jooga ayuu u tegayaa. Magaciisa waxa la yidhaahdaa Cawaad. Qays waxa uu sidaa Kartoon wayn. Hadalkan baa dhexmaraya:
Qays: Cawaadoow, waxa la ii sheegay inaad u baahantahay oo raadinaysid cunto? Saw sidaa maaha?"
Cawaad: Haa.
Qays: Cunto ma heshaa mise ma heshid?
Cawaad: ma helo, dadka ayaa waxoogaa yar isiiya.
Qays: Ma waxay ku siiyaan Roodhi?
Cawaad: Haa.
Qays: Sax, waxa aan rabaa inaan ku siiyo HADIYAD, waxaa ku jira raashin, waxaana la idiinku keeni doonaa guriga. Sax? Immisa jir baad tahay Cawaadoow?
Cawaad: 10 sano jir.
Qays: Yaad la nooshahay?
Cawaad: Ayayday.
Qays: Aabbahaa aaway?
Cawaad: Wuu dhintay.
Qays: Hooyadaana?
Cawaad: Way dhimatay.
Qays: Halkay ku dhinteen?
Cawaad: Guri baa ku dumay.
Qays: Aaway walaalahaa?
Cawaad: Way dhinteen. Aniga oo alaabta iyo hadhaaga aqalkayagii dumay ku ciyaaraya ayaan arkay maydka hooyaday iyo aabbahay!!
Qays: Hadda yaa kaa masuula ee ku xannaaneeya?
Cawaad: Eddooyinkay.
Qays: Maxay Eddooyinkaa qabtaan?
Cawaad: Masaxaad.
Qays: Gacanta maxaad ku xidhantahay?
Cawaad: Hooyaday baa i siisay waxan aan gacanta ku xidhanahay!!
Qays: Ma tan iyo illaa intii ay dhimatay baad sidataa?!!
Cawaad: Haa!!
Qays: Maad iska saartid?
Cawaad: Maya.
Qays: Ma xataa marka aad maydhanaysid, iyo marka aad seexanaysud ba?
Cawaad: Ma garanayo!
Qays: Maxaad iskaga saari wayday?
Cawaad: Waayo, hooyaday baa ii xidhay.
Qays: Alle ha u naxariisto. Shay aad gacanta ku xidhatid ayaan kuu sidaa. Gacanta kale ayaan kuu gelinayaa. Way kaa wayntahay, se waad waynaan oo way ku leekaan. Maxaad jeclaan lahayd?!
Cawaad: Waxa aan jeclaan lahaa inay Hooyaday iyo Aabbahay ii noolaadaan!
Qays: Maxay kale ee jeclaan lahayd?
Cawad: Waxa aan jecelahay inayna Ayayday iga dhiman!
Qays: Alle ha xifdiyo, cimrigeedana Alle ha dheereeyo. Dugsi ma dhigataa?
Cawaad: Maya.
Qays: Sabab?
Cawaad: Ma awoodo.
Ka dib Qays ayaa boorsadiisa uga soo saaraya Envelope. Cawaad buu u dhiibayaa, wuxuuna ku leeyahay ' Eeg.' Ka dibna lacag baa ku jirta oo uu ka helayaa. Qays baa ku odhanaya " Lacagtaas maxaad ku samayn lahayd?" Cawaad baa odhanaya " Eddaday baan u gaynayaa si ay noogu soo iibiso daqiiq, waayo wax daqiiqa ma haysanno." Qays baa odhanaya " Maxay kale ee aad ku soo iibsan lahayd?" Cawaad baa odhanaya " Saliid." Qays baa odhanaya " Marka cuntada laga yimaaddo, maxay kale ee aad ku iibsan lahayd?" Cawaad baa leh " Dharkii Ciidda." Qays baa odhahaya " Dharkan aad xidhantahay maahee mid kale ma haysataa?" Cawaad baa leh " Kaliya hal korxidhasho oo kale ayaan haystaa, kan aan xidhanahay iyo mid kale oo guriga ii yaalla. Bes." Qays baa leh " Kabo ma haysataa?" Cawaad baa odhanaya " Kuwan aan xidhanahay maahee kuwa kale ma haysto " Cawaad, waxa kale oo uu sheegayaa in ayna haysan waxyaabo badan sida Marraawaxad, sariiro, waxyaabaha wax lagu kariyo, qasaalad IWM. Waxa uu llmuhu xusayaa in haddii ay waalidkii noolaan lahaayeen inuu faraxsanaan lahaa! Qays baa ku odhanaya " Maxaad u malaynaysaa haddii aad heshid inaad faraxsanaan lahayd?" Cawaad baa odhanaya " Dhar baan u baahanahay, iyo cunto." Ilmuhu waxa uu xusayaa inuu jecelyahay Ayaydii. Markii hore aniga iyo walaashay ayaa la noolayn, se hadda walaashay ma noola. Waxa ay middi isgelisay oo isku gawracday markii ay ogaatay xaaladda ay labadeedii waalid ku dhinteen.! Anna waxa aan doonay inaan middida isgeliyo oo isgawraco, balse Ayayday ayaa iga qabatay buu leeyahay!!
Qays baa u sheegaya inuu caawinayo, waxa uuna ka codsanayaa inuu laabta geliyo. Ka dibna laabta ayuu gelinayaa. Cawaad ayaa qaadanaya Kartoonkii, wuu qaadi kari waayayaa, oo Qays ayaa ka qaadaya. Ka dibna waxa ay u tegayaan Cawad Ayaydii. Wuuna caawinayaa.
Muddo yar ka dib waxa uu tegayaa Dugsi, Dugsiga waxa dhigta Cawaad oo uu isagu hadda ka hor caawiyay, sababna u noqday inuu waxbarasho helo oo rejo ku abuuro. Markan Cawaad wuu faraxsanyahay, waxbarasho ayuu dhigtaa, wuuna faraxsanyahay oo carruur ay isku da' yihiin ayuu la ciyaarayaa.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?