Posts

Showing posts from April 20, 2025

Muxuu Alle dumarka uga ilaaliyay Murugada?

Image
  1- Alle markii uu ka warramayay Nebi Muuse Hooyadii wuxuu Suuratu Al Qasas ku yidhi: " Si ay ugu ila qabawsato, oo ayna u murugoon." -قال تعالي في سورة القصص: "كي تقر عينها ولا تحزن" 2- Alle wuxuu Suurqtu Al Axsaab ku yidhi: " Si ay indhahoodu ugu qabawsadaan, oo ayna u murugoon..." -وفي سورة الأحزاب: "أن تقر أعينهن ولا يحزنّ" 3- Alle markii uu Maryama ka warramayay wuxuu yidhi: " Waa loo dhawaaqay, waxaana loo sheegay in ayna murugoon..." -وفي سورة مريم: "فناداها من تحتها ألا تحزني" Aayadahani waxa ay ka warrmayaan in ayna murugo dareemin dumarku. Waayo, murugadu dumarka way u darantahay oo si gaara ayay dumarka u saamaysaa. Murugadu waxa ay dishaa dareenka gabadha, waxayna meesha ka saartaa quruxda gabadha, oo gabadha waxa wejigeeda ka muuqanaya awood darro iyo daciifnimo. Sidoo kale, murugadu waxa ay saamaynaysaa hoormoonnada dheddignimada ee gabadha, oo waxa suurtagala in gabadhu murugo darteed dhali waydo! Badanaa o...