Posts

Showing posts from March 4, 2018

Gorfeynta Iyo Naqdinta Buugga Sicirbararka Fatwada Ee Uu Qorey Cabdicasiis Guudcadde

Image
Akaademi ahaan, way bannaantahay in wax la iska hufo oo la iska haadiyo oo aan sidii caanaley caano keentay qofkastaa wuxuu sheego aan la iska liqin, lana qudhqudhin; illaa caqliga la soo mariyo.   Buuggan Sicirbararka Fatwada waxa aan akhriyayey siddeed saacadood oo xidhiidh ah; shaandho barooya oo saafi ahna   waan soo qaatey. Aad baan u dhuuxey oo aan u dhexgaley. Waxa aanan go’aansadey in aan wax ka idhaa oo wixii iiga baxey ummadda hordhigo. Buugga waxba ka odhan maayo qaabqoraalkiisa, habqoraalkiisa, higgaaddiisa iyo sida loo qorey; balse, waxaan muhiimadda koowaad saari doonaa in aan naqdiyo oo aan xoogga iyo xilkaba iska saaro in aan dhilo aragtida iyo waxa uu gudbinayio buuggu, aniga oo aan sameynayn shakhsiweerar (Personal Attack). Buugga wixii awood uu ku leeyahay waan ku taageerayaa; wuxuu iin ku leeyahayna waan dhilayaa oo waan saxayaa. Naqdintana waxa aan rabaa uun kaliya in aan wax ku saxo.Wixii   buuggaa ku qoran sidaan doono ayaan u dhaliili oo aan u canbaa