Posts

Showing posts from November 13, 2022

Maqaamkii Awawgay Sh. Maxmaed Cumar-Daranyo C. Tukaale

Image
  Marka aan lo’ada arooriyo ee barkadaha geeyo Maqaamkan idiin muuqda ayaan orod iyo farxad ku geli jiray aniga oo aan dheg la qabto lahayn. Waxa fadhiisan jiray, oo wax ku akhrisan jiray, ku shaahi jiray Awawgay Aabbo Callaamata Sh. Maxamed Cumar C. Tukaale AHUN.  Aniga oo aan cabsanayn ayaan Awawgay si kalsooni iyo dhoollacaddayn leh u salaami jiray. Awawgay inta uu Jeebkiisa gacanta geliyo ayuu shilimaad isiin jiray, ka dibna odhan jiray ‘ Tukaankaas nacnac kaga soo iibso Awaw.’   Walow inta badan isagu inta uu oodda Maqaamka istaago sheedda iga eegi jiray oo ila sugi jiray buskud iyo nacnac. Wuxuu caado u lahaa inuu ubad jeclaa oo carruurta nacnac iyo wax ay ku farxaan siin jiray. Ma qiyaasi karo inta jeer ee uu aniga keliday iga farxiyay; sidoo kale ma qiyaaso karo inta jeer ee aniga iyo carruur badan oo aannu danwadaag xoolo wadajira ahayn annaga oo baahida carruurnimo qabna uu wax na siiyay. Xusuusta uu aniga iyo awawgay maqaamkaasi nagu lahaa ee i xantaxantay waa mid dabiici ah