Posts

Showing posts from November 20, 2022

Muhiimadda Saaxiibtinnimada Wanaagsan

Image
  Hordhac Qofku cid uu la saaxiibo oo dareennadiisa iyo waxa uu tebayo la wadaago inuu helaa waa lama huraan. Diinta Islaamku qiimo wayn ayay siisay Islaamnimada, Nebi Muxammad markii uu qofka ka warramayay waxa uu yidhi: “ Qofku waxa uu haystaa ama sitaa Diinta Saaxiibkii.” Markii Nebiga la soo diray, qofkii asxaab badan ayuu yeeshay, se way u kala dhawaayeen. Saaxiibkiisii ugu dhawaa waxa uu ahaa Abuubakar Siddiiq. Abuubakar ayuu saaxiib dhaw la ahaa. Odhaah ayaa tidhaahda “ Qof wanaagsan la saaxiib, haddii aad waydana naftaada la saaxiib.” Xilligan la joogo saaxiibtinnimadu waa muhiim, qofka saaxiibka wanaagsan lihi wuu nasiib badanyahay, waayo saaxiibku qofka wuu kabaa, oo talo iyo taageero ayuu siiyaa. Waxa aan si kooban uga warrami doonaa sida ay muhiimka u tahay in qofku helo saaxiib wanaagsan, iyo muhiimadda saaxiibtinnimada wanaagsan. Muxuu Muhiim u yahay Saaxiibka/saaxiibadda wanaagsani? 1-      Talada: Saaxiibka wanaagsan qofka waxa uu siiyaa talo, qofku wuxuu u