Posts

Showing posts from January 22, 2023

Sideed uga faa’idaysan kartaa Sannadkan 2023?

Image
  Hordhac Sannad baa dhammaaday. Sannadkaasi waxa uu la dhammaaday hawlo, iyo qorshayaal. Sidoo kale, waxa bilaabmay sannad cusub, sannadkan cusubna waxa uu wataa hawshiisa, qorshayaashiisa, iyo waxyaabo kale oo u gaar ah. Waxa muhiim ah in qofku qorshe yeesho oo sannadkan waxbadan qabsadaa. Sidoo kale, waa inuu qofku wax korodhsado oo waxyaabo badan faa’idaysto, oo aqoon badan iyo adduun ba kasbadaa. Maadaama waqti cusub kuu bilaabmay, waqtigu wuu kugu socdaa. Maalin ba maalinta ka danbaysa qabriga ayaad u sii dhawaanaysaa, markaa waa muhiim inaad waqtiga ka faa’idaysatid. Qoraalkan kooban waxa aan kaga warrami doonaa waxyaabaha aan u arko inay muhiim yihiin ee qofku sannadkan 2023 kaga faa’idaysan karo. Aniga oo niyadda ku haya in dadka akhriyayaa kala duwanyihiin, oo kala aqoon, waayo, duruuf iyo xaaladaba duwanyihiin, haddana waxa aan tilmaami wax qofkasta wuxuun ka anfaca. Maxaan kaga Faa’idaystaa 2023? Sannad baa bilaabmay, waa waqti cusub, waaya cusub iyo ammin cusub oo soo kord

Faallada Buugga “ How To Become A People Magnet ~ Sideed ku Noqon kartaa Qof Dadka Soo Jiita”

Image
Hordhac   Buuggan la yidhaahdo “ How to Become A Megnet” waxa qoray Marc Reklau ,  oo ah tababbare, dhiirrigeliye iyo Qoraa. Marc waa qoraa wax ka qora arrimaha dhiirrigelinta iyo horumarin shakhsiyadda qofka. Buugaag kala duwan ayuu ka qoray. Buuggan aynu faallayn doono ayaa ka mid ah.   Buuggani wuxuu ka koobanyahay 160 bog. Waa 7 qaybood oo 62 cutub ah. Cinwaan hoosaadkiisu waa “ 62 Life-Changes Tips to Attract Everyone You Meet.” Wuxuu ka warramayaa sida qofku bulshada dhexdeeda saamayn ugu yeelanayo, iyo Tabaha uu qofku marayo.   Nuxurka Buugga   Magaca buugga waxa ka muuqata aaladda loo yaqaanno ‘ Birlabta’ oo ah bir soo jiidata aaladaha kale, mar alla marka ay birtaasi ku dhawaato wax kale way soo jiidataa. Taasi waxa ay sheegaysaa awoodda ay leedahay aaladdaasi. Waxa xusid mudan in birlabtu ayna soo jiidan waxkasta, se ay soo jiidato waxyaabo gaar ah oo muhiim ah. Sidaas si la mid ah ayay tahay in qofku bulshada qaar ka mid ah saamayn ku yeesho oo soo jiito. Mana mudna in qofku