Posts

Showing posts from January 16, 2022

Wadaadkii Iyo Fannaanaddii Isguursaday!

Image
Wadaad iyo fannaanad ayaa ismehersaday. Waa laba qof oo aad u kala fekrad, iyo nolol duwan. Casrigan waxyaabaha uu la yaabka yahay waxa ugu qosolka badan Wadaad aan Masaajid ka bixin, iyo Fannaanad Salaadda markay doonto Tukataa inay isguursadaan! Toloow, maxay iskaga midyihiin ee isku keenay?! Labada judha horaba isku deegaan maahee? Malaha waa calaf. Malaha waa dareen. Malaha waa danaysi. Malaha wax kalaa mideeya! Ta dhexe u badi. Waxa ugu wayn ee mideeyaa waa dareen. Dareenku ma yaqaanno labada qof waxa ay ku kaladuwanyihiin, waxa ay isku hayaan, iyo waxa ka dhex oogan toona. Waa wax indha & dhegala’ oo qofkii ay u saarto sida sixirka ku dhega! Ma yaqaanno Wadaad & Waranle. Arooskii iyo qaabdhaciisii ayay isku khilaafeen ba Wadaadkii iyo Xaaskiisii Al Fannnaana Canab Qaali! Aroosku iyo qaabka uu noqday, sida wadaadku rabay & Sida Fannaannadu rabtay, sida labadaas qof iskula dhibbanyihiin & waxa dhexyaallaba ha ii danbeeyaan, intan ila yara dhuux. Lammaanuhu si uun ba

Sookoobidda buugga “100 Ways to Motivate Yourself : Change Your Life Forever~100 Hab oo aad Naftaada u Dhiirrigelin kartid: Markasta Naftaada Baddel.”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “ 100 Ways to Motivate Yourself : Change Your Life Forever ~100 Hab oo aad Naftaada u Dhiirrigelin kartid: Markasta Naftaada Baddel.” Waxa qoray Steve Chandler. Waa lataliye, tababbare, fagaare ka hadle, dhiirrigeliye, iyo lataliye. Wuxuu la soo shaqeeyay shirkado badan, iyo jaamacado waaweyn. Waa qoraa. Buugaag kale ayuu qoray. Wuxuu qoray in ka badan 30 buug, oo looturjumay 25 luuqadadoo. Buugta uu qoray waxa ka mid ah “ RIGHT NOW: Mastering the Beauty of the Present Moment.” Buuggu jaad ahaan, waa nooca loo yaqaan dhiirrigelinta. Markii koowaad waxaa la daabacay sannadkii 1995kii. 100kaa hab ayuu qoraagu kaga warramayaa, oo ku sharraxayaa. Soo wada qaadan maynee, qaar ka mid ah ayaynu ka soo qaadan. Nuxurka Buugga Maadaama buuggu qodobbo yahay, qodobbaduna badanyihiin, waxaa waajib noqonaysa inaynu qaar ka mid ah soo qaadanno. Waynu soo qaadan. Hababka uu qofku naftiisa ku dhiirrigelin karo waxa ka mid ah: 1-       Abaalmarinno aad qaadata

WAQTIGA FIRAAQADA: JIDH’DHIS IYO CAQLI KORIN

Image
  Ma doonayo in waqtigeenna oo dhami noqdo shaqo, in nolosheenna oo dhani noqoto dadaal aan nasasho laheyn─iyo in ay noqoto weji cabuus aan qosol laheyn! Taasi qarniyadii dhexe ayey tusaale u tahay; oo dadka ka ugu kheyrooni wuxuu ahaa ka dadaala ee an nasan, weji gabaxa uun ee aan qoslin, markastana in geeri ku dhacdey aad mooddo, qalbigiisana aynna farxadi gelin, dadkuna ay u arkayeen mid murugeysan oo sidii nin aas kasoo noqdey oo kale! Ka ugu fiican ee ay culimadu dadka ku dhiirriyeen casrigan waa: Farxad iyo qosol, iyo in uu qofki waqti maangal ah ciyaaro, kaasaanna anfacaya bini-aadanka in ka badan inta dadaal isdaba joogga oo aan nasasho laheyn lagu jiro! Waxa aan doonayaa in waqtiyada firaaqaddu aynna ka badan waqtiyada shaqada, iyo aynna firaaqadu indha tirin nolosha, oo aynna shaqadu sabbeyn geerka! Waxa kale oo aan doonayaa; in waqtiyada firaaqada caqliga la dhiso, sida waqtiyada shaqada oo kale. Markeynnu shaqaynanno waxaynnu u shaqeynnaa u jeeddo, sidaa si leeg, waa in