Posts

Showing posts from July 7, 2024

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?

Image
  Qofku marka aanu fursaddaa diyaarsanayn haddii ay timaaddo wuu dayacaa, meel bannaana wuu ku dhacaa. Waayo, fursadaha noloshu si kedis ah oo bilaa ogaysiis ah ayay ku yimaaddaan. Waa sababta markasta loo yidhaahdo: " Diyaargaraw. Diyaargarawgaa waxkasta ka horreeya." Waayo, fursaddu kuma sugayso, haddaanad diyaar ahayn oo degdeg uga faa’deysan, way ku dhaafaysaa.  Adiga oo aan diyaar ahayn in ay fursadi timaaddo oo sidaa kugu dhaafto adoon ka faa'idaysan waxa ka wacan adoo diyaarsan inaad fursad waydid. Waayo, ta hore waa qoomamo, ta danbana waa shay nasiib ku siin waayay, oo waxa laga yaabaa inay fursaddii weli kuu soo socoto. Mudane Shamuuri oo soo caan baxay bishii 2aad ee sannadkan 2024, kuna soo caanbaxay markhaatigii uu furay Kiiskii Gubidda Marxuum Luul. Isaga oo markii su'aalaha maxkamaddu wayddiisay markasta ku darayay ' Masha Allah, Insha Allah..." Labadaa kalmadooda iyo hadalkiisa ayaa bulshada aad usoo jiitay, aadna upa dhaceen. Iyada oo la hada