Posts

Showing posts from March 1, 2020

Xaaji Sharmaake Cali Saalax ( 1776-1861)

Image
Sharmaake, xilliga uu dhashay si saxa looma hubo se   qiyaastii waxa uu dhashay intii u dhexaysay 1770kii illaa 1780kii.   Taariikhyahannada ajaanibka ah ee wax ka qoray dhulka Soomaalidu sida Richard Burton, iyo R. Joint Daguenet midba xillli buu ku sheegaa dhalashada Sharmaake. Miyi oo uu ku dhashay, iyo xilliga uu dhashay oo diwaangelinta iyo qoridda dhalashadu yarayd ayaa u sabab ah in si saxa loo sugi waayo dhalashada Xaajiga. Meel miyi ah ayuu ku dhashay, waxa la sheegaa inuu aagga magaala xeebeedda Shalcaw ku dhashay. Shalcaw waxa ay u dhexaysaa magaalada Berbera iyo Xiis. Waxa la sheegaa inuu halkaa ku noolaa yaraantiisii illaa intii uuu gaadhayay 18 sano jir. Sifo ahaan, aftahan, deeqsi, gobonnimo, karti iyo sifooyin qaaya leh inuu lahaa Xaajigu waa la xusaa. Qoyska uu ka dhashay Sharmaake taariikh ahaan waxa ay u lahaayeen naakhuudaynta badda, iyo isaga gooshitaanka magaalo xeebeeddada ku kala yaalla badda cas, khaliijka, iyo Hindiya.   Magaalada Cadan oo mee