Posts

Showing posts from July 1, 2018

Xog ku Saabsan Magaalada BOORAMA

Image
  Magaalada Boorama waa caasimadda gobolka Awdal. Sidoo kale waa caasimadda labaad ee Soomaalilaan. Waxa ay ku taallaa Galbeedka Soomaalilan, waxa ay xuduud la leedahay Itoobbiya. Dhul waxoogaaya ayay ku fadhidaa oo aan ka yarayn    14 km² . Waxaana Maayar ka ah Maxammed Xasan Maydhane. Si guud magaaladu waxay u qaybsantaa afar Xaafadood: Xaafadda Sh. Cali Jawhar, Xaafadda Sh. Axmed Gurey, Xaafadda Sh. Cismaan, iyo Xaafadda Sh. Makaahiil. Magaaladu biyo iyo laydh ku filan ayay heshaa. Adeegga biyaha waxaa siisa Shirkadda SHABA; halka adeegga laydhkana ay siiyaan labada Shirkadood ee Aloog Electiricity iyo Telesom Electric Company. Boorama, waxa ay ku taallaa dhul buuralley ah, oo afarta Koorne ee magaalada waxaa ku wareegsan buuro. Buuruhu magaalada bilic iyo bidhaan gaar ah ayay u sameeyaan. Waxaanna ku yaalla Buuraha ugu waaweyn Geeska Afrika sida buurta ‘Saw’─oo xagga koonfurgalbeed magaalada kaga taal. Dhulgariir way leedahay oo wuuka dhacaa, inta badanna buurta

Bidco Diineed & Bidco Adduunyo!

Image
                    Eraygu waa Af Carbeed, oo Soomaali ma aha asal ahaan. Wuxuu luuqada Carbeed ku yahay ‘ Ikhtiraac~ bilow wax cusub.’ Sharci ahaan sida Kitaabka ( Al-Anwaaru Raxmaan, oo uu qorey Sh. CabdiraxmaanBin Yuusuf Al-Ifriiqi) ku sheegay   waa “ Diinta oo wax aan ku jirin lagu soo daro, intay dhammaystirantay kaddib.” Qeexiddaa Wadaadka culimo badan ayaa la qaba oo sidan oo kale kutubtooda ugu qeexa. Anna waan la qabaa oo anna waan ku raacay, waxaanse ku sii darsadey, ‘ In waxaasi lagu soo daray yahay wax nascad xaaraantimeeyay ama xalaaleeyay, lana leeyahay sidaa maahee waa sidan.” Haddeynu inyar ku noqonno Bidcada luuqad ahaanteeda, laba ayaynu u kala falliidhi: Ikhtiraac Adduunyo iyo Ikhtiraac Diineed. Ikhtiraaca Adduunyo waa arrin bannaan, haddayna dhibaato lahayn ama Diinta ka hor imanayn. In wax cusub la kordhiyo Islaamku arrimaha adduunka wuu dhiirrigeliyay oo wuu innagu boorriyay. Ikhtaraacaasi waa arrin baahi weyn adduun ahaan loo qabo oo loo oommanyahay.