Posts

Showing posts from May 20, 2018

Waa Maxay Caqiido Iyo Iimaan?

Image
Eraygu asal ahaan waa Af Carabi; wuxuuna ka yimid ficilka maaddi (tage) oo ah “Caqada”─macnaheegu waa marka xadhiga la gunto. Luuqo ahaan waxay noqonaysaa guntin. Sharci ahaan waxa weeyi “ Rumeynta Allah, Malaa’igtiisa, Kutubtiisa, Rasuulladiisa, Maalinta Aakhiro, iyo rumeynta qaddarka khayrkiisa iyo sharkiisa.” Marka sidan loo qeexo waxay isku qeexid yihiin Iimaanka. Sida lagu sheegay Kitaabka Caqiidada ee ay diyaariyeen Culimo badan. Halkan caqiido, Af Soomaali waxaa u dhawaanaya oo innoo buuxinaya Aaminaad. Oo waa wuxuu qofku aamino ee uu rumeeyo; wixii ku dhacana kaga falceliyo. Qofku wuxuu rumeysanyahay uun buu ku dhaqmaa hawadiisana ha ahaatee. Dabeecadaha Bini-aadanka ayay ka mid tahay in qofku wax rumeeyaa, wuxuu doonaba ha rumeeyee. Waayo, ma jiro adduunka qof bilaa rumeyn ahi, qofkastaa wax buu rumeysanyahay. Mid hawadiisa rumeysan oo Ilaah ka dhigtay. Mid lo’ rumeysan oo Ilaah ka dhigtay. Mid dab rumeeyay oo Ilaah ka dhigtay. Mid wax aan nooleyn rumeeyay oo Ilaah k