Posts

Showing posts from April 7, 2019

Duruuftu waxwalba way kugu Kalliftaa!

Image
                         Dhimashadii Aabbahay ka dib, waxa aan si dhab ah u xaqiiqsaday sida ay noloshu u adagtahay, iyo sida Aabbahay u wejihi jiray si uu maalin walba saddex jeer noo siiyo cunto; uuna na siiyo meel aan seexanno. Aabbahay wuxuu ahaa shaqaale, wuxuuna u shaqayn jiray dad, oo guryahooga ayuu ka shaqayn jiray! Waligii maalinkasta shaqo ma qaban jirin! Balse, wuxuu ahaa qof farxad badan, noomana oggolaan jirin in shay nagu adkaado oo aannu shey uun wax caqabada kala kulanno. Aniga iyo hooyadey farxaddiisaannu la qabnay! Hooyadeynna waxa ay ahayd afada ugu farxadda badan abidkeed. Shey kale maanaan haysan aan ahayn sariirta gurigayaga taalla. Aabbahay, had iyo jeer wuxuu nagu odhan jiray; “ Ka dib marka aan maalinta oo dhan soo shaqeeyo ee aan shaqo adag soo qabto, marka aan guriga ku soo laabto ee aan arko labadiinna ( xaaska iyo wiilka) oo dhoollacaddayna, waxa aan illaawaa wixii xanuun aha4a ee aan qabay iyo daalkii!” Sheyna nolosheyda maan qaban, illaa ha

Xasuusta Xasuuqii 1994kii ee Rwanda: Maanta 25 sano ka dib

Image
Ruwandha, waxa ay u diyaargaroobaysaa toddobaad xus ah oo lagu xasuusanayo xasuuqii dhacay 1994kii. Muddo laga joogo 24sano Rwanda waxa ay weli xasuusantahay in ka badan 800,000 ruux oo la dilay 100kii maalmood ee uu socday qalalaasihii Hutu.  Rwanda, waxa ay u diyaargaroobaysaa toddobaad dheer oo la xusayo 25 sano ka dib markii uu dhacay xasuuqii 1994kii, iyada oo xasuuqaasi lagu tiriyo inuu ahaa kuwii ugu xumaa ee dhacay intii lagu jiray qarnigii Labaatanaad, xasuuqaasi oo lagu dilay in ka badan 800,000 qof. Caasimadsa Kigali diyaargaraw badan ayaa ka muuqday saacadahii la soo dhaafay, oo waxaa magaalada loo gogolxaadhayaa maalintii koowaad ee lagu xusayay, oo ah Axadda.  Garoonka Qaranka ee Amphora, dhallinyaro Ruwaandhiis ah ayaa ku ciyaaraya, waxaynna si fiican wacdaro ugu dhigi doonaan hoggaamiyayaasha Caalamka ee Axadda Garoonka iman doona.  " Waligeen illaawi maynno wixii inna soo dhaafay ( Tagtadii)" Deborah Mwanganjye oo ah gabadh 19 sano jir