Posts

Showing posts from March 3, 2019

Safarkeygii Magaalada Jigjiga

Image
Laga soo bilaabo Semtemper 2018, sidii aan magalada ugu soo laabtayba dhinacna uma dhaafin. Waayo, intaas wixii ka danbeeyay Jaamacadaha ayaa ii bilaabmay. Maadaama aan labo Jaamacadood oo kala duwan dhigto, sidoo kale  aan macallin ahay, kansho aan meelo badan ku booqdo ma helin. Sannadkii 2018, sidaas ayuu ku dhammaaday. Waxaa la galay 2019kii. Bishii Jannaayo dhammaadkeedii ayaan imtixaankii labada Jaamacadood midkood dhammeeyay, hawlihii badnaana iga kala yaraadeen. Bishan Febraayo fasaxyo kooban oo imtixaannadii aan galay, iyo daalkii muddada dheer socday kaga yara nasto. Haddaba fasaxan Jigjiga waa in aad tagtaa ayaan qorsheeyay. Saddex shey ayaa ugu waynnaa waxa aan waqtigan Jigjiga ku doortay: ta koowaad, waxa ay ahayd Magaalada Jigjiga hore uma arag, maqal mooyee indhahaygana ma saarin. Inkasta oo aan ku dhashay Gobolka ay ku taallo ee Faafan, haddana magaalo ahaan hore uma arag. Degmada aan ku dhashay waxoogaa ayay kala durugsanyihiin, oo xoolaha aan eegayaa