Dhagxintii Soraya!
Sannadkii 1986kii waxa dhagax lagu lagu dilay haweenaydan oo la odhan jiray Soraya. Sababta loo dilay waxa ay ahad ninkeedii ayaa doonay inuu Minyaraysto, way diidday, ka dibna uxuu ku masabbiday inay gogoldhaaf samaysay! Soraya caan bay ka noqotay tuuladii lagu dhagxiyay oo dalka Iiraan ka mid ahayd iyo guud ahaan dalka Iiraan ba! Ninkeedii oo Iiraani ahaa marki uu doonay inuu minyaraysto oo gabadh kale guursado Soraya kamay yeelin! Way diiday! Haddii uu furo oo warqadda siiyo waxa laga rabaa MEHERKII Soraya oo aanu awoodin. Laba daran mid dooro ayaa la gudboonaatay ninkii Soraya qabay. Ninkii haddii uu furo meher badan baa laga rabaa, haddii uu qabana Soraya way diiday in uu la guursado! Ka dib ninkii shax kale ayuu degay, wuxuu bilaabay sidii uu nolosha u dhaafin lahaa Soraya, marka uu dilana u guursan lahaa gabadh uu rabo. Wuxuu ku soo eedeeyay in Soraya khiyaano samaysay oo gogoldhaaf samaysay! Xadka qofka guur soo maray waa in dhagax lagu dilo! Sidii baa la yeelay. Gabadhii...