Posts

Showing posts from April 12, 2020

Sookoobidda buugga “ Masuuliyadda Indheergaradka.. ”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “ Masuuliyadda Indheergaradka.. ”   waxa qoray Cali Shariicatii. Cali waxa uu ahaa aqoonyahan culuunta Diinta la xidhiidha ku in badan daraasaynayay. Dalka Iiraan ayuu u dhashay. Indheergaradka qarnigii 2aad ugu saamaynta badan ayuu ka mid ahaa dalka Iiraan. Buuggan waxa uu ka koobanyahay 199 bog. Waxa uu kaga warramayaa masuuliyadda, ama xilka saaran qofka indheergaradka ah. Nuxurka Indheergaradku waxa uu yahay ruux tixgelintiisu ka sarrayso dadka caadiga ah. Indheergaradku kaalin muhiima ayay bulshada ugu jiraan. Kaalintaasi maaha mid la dhayalsan karo, waa kaalintii ay kaga jireen imaamyadii, iyo hormuudkii bulshooyinkii hore ayuu qoraagu leeyahay. Qoraagu waxa uu xusayaa inuuna ‘ Indheergaradku’ ahayn ka yidhaa ‘ anuu indheergarad baan ahay, waayo Yurub baan u safray, meel heblaayana waxbaan ka soo dhigtay oo fekraddaasaan ka soo qaatay. Waxaasaan soo bartay. Imtixaan ayaan ku guuleystay. Shahaado ayaan halkaa ka soo qaatay.’ Waxa uu ka c