Posts

Showing posts from August 5, 2018

Ibliis oo Guuleystay: [Marka aad Aaminaaddaada u Dagaalanto Waad Guuleysanasaa; balse, Marka aad Hungurigaaga u dagaalanto waad jabasaa!]

Image
Qawm baa geed samaystay ay caabudaan. Waxaa maqley nin Ilaahay rumeysan oo mu’min ah oo la yidhaa Naasik. Ninkii mu’minka ahaa wuxuu qaatey Faash, wuxuuna tagey geedkii, si uu usoo gooyo. Markii uu u dhawaadey geedkii waxaa u soo muuqdey Ibliis oo geedka udiidaya, qaylinayana: Ibliis: “Ninoow halkaaga joog! Maxaad udoonasaa in aad u goyso geedda?” Naasika : “Waayo, dadkaa lagu halleeyaa/baadiyeeyaa.” Ibliis: “Maxaa kaa galey? Iskadaa ha iska hallaabaane!” Naasika: “Sideen uga tagaa… Waajibkaygu waa in aan soo hanuuniyo.” Ibliis: “Waajibkaagu waa in aad dadka iskaga tagto iyaga oo xor ah, oo samaynaya waxa ay jecelyihiin!” Naasik: “Xor maaha.. Waxa ay u dheg raaricinayaan   waswaasidda sheyddaanka.” Ibliis: “Ma waxaad rabtaa in ay dhegta u raariciyaan hadalkaaga?!” Naasik: “Waxa aan doonayaa in ay hadalka Allah u dheg raariciyaan.” Ibliis: “Iskaga tag geedkan oo ha goyn.” Naasik: “Waa lagamamaarmaan in aan gooyaa.” Ibliis ayaa kalladhka qabtey ninkii, Naa