Buuga QISOOYINKA Asxaabtii Nebi Muxammad SCW
Maalin ayuu Asxaabigii Cumeyr Binu Wahab u kacay dhinaca Kacbada si uu ugu soo cibaadaysto oo Sanamyada uga soo barakaysto. Wuxuu arkay Safwaan Binu Umaya oo fadhiya Dhagaxa Kacbada agteeda. Wuu salaamay, oo weliba salaantii Jaahiliga ee Carabta ayuu ku salaamay. Waxoogaa bay wadafadhiyeen oo sheekaysteen. Waxa ay isla soo qaadeen arrimo badan, oo ay ka midtahay dagaalkii Beder, iyo wixii iyaga iyo Muslimiinta kala gaadhay ee qabashada, iyo qafaalashada ahaa. Iyaga oo sheekaysanaya, ayuu Cumeyr yidhi: “ Rabbiga Kacbada ayaan ku dhaartee haddii aan dayn wax aan ku bixiyo aanan haynin la igu lahayn, sidoo kale ayna jirin carruur aan ka baqayo inay gadaashay dayacmaan waxa aan u tagi lahaa Muxammed oo waan dili lahaa, oo arrintiisa ayaan soo gegabayn lahaa, sharkiisana waan idin kaga filnaan lahaa. Dabadeed, cod hoose ayuu ku sii raaciyay: “ Waxa jira wax igu kallifaya inaan Madiina tago, oo inankeygii Wahab ayaa halkaa lagu haystaa. Se shakibaan qabaa!” Safwa...