Buuga QISOOYINKA Asxaabtii Nebi Muxammad SCW
Maalin ayuu Asxaabigii Cumeyr Binu Wahab u kacay dhinaca Kacbada si uu ugu soo cibaadaysto oo Sanamyada uga soo barakaysto. Wuxuu arkay Safwaan Binu Umaya oo fadhiya Dhagaxa Kacbada agteeda. Wuu salaamay, oo weliba salaantii Jaahiliga ee Carabta ayuu ku salaamay. Waxoogaa bay wadafadhiyeen oo sheekaysteen. Waxa ay isla soo qaadeen arrimo badan, oo ay ka midtahay dagaalkii Beder, iyo wixii iyaga iyo Muslimiinta kala gaadhay ee qabashada, iyo qafaalashada ahaa.
Iyaga oo sheekaysanaya, ayuu Cumeyr yidhi: “ Rabbiga Kacbada ayaan ku dhaartee haddii aan dayn wax aan ku bixiyo aanan haynin la igu lahayn, sidoo kale ayna jirin carruur aan ka baqayo inay gadaashay dayacmaan waxa aan u tagi lahaa Muxammed oo waan dili lahaa, oo arrintiisa ayaan soo gegabayn lahaa, sharkiisana waan idin kaga filnaan lahaa.
Dabadeed, cod hoose ayuu ku sii raaciyay: “ Waxa jira wax igu kallifaya inaan Madiina tago, oo inankeygii Wahab ayaa halkaa lagu haystaa. Se shakibaan qabaa!”
Safwaan, waxa uu doonay inuuna dayicin fursaddan, oo wuxuu daymooday Cumeyr, oo wuxuu ku yidhi: “ Dayntaada aniga igu daa. Anigaa bixinaya intaan karo. Carruurtaaday noqotay, waxa aan u gaynayaa carruurtayda wax ku filanna waan u hayaa.”
Cumeyr baa yidhi: “ Haddaba arrinteenna qari, oo qofna ha u sheegin.”
Cumeyr, cadho ayuu huray. Wuxuu soo sifaystay seeftiisii, sun na wuu mariyay wuu sumeeyay. Wuxuu soo diyaarsaday hashiisii. Wuu fuulay, wuuna socday, oo illaa dhinaca magaalada Madiina ayuu u kacay.
Madiina ayuu gaadhay Cumeyr. Dhinaca Nebiga ayuu u jeedsaday. Albaabka agteeda ayuu fadhiisiyay hashiisii. Wuuna ka dagay. Cumar Binu Khaddaab ayaa Masaajidka agteeda asxaab kale la joogay, oo waxa ay ka sheekaysanayeen dagaalkii Beder. Cumar Binu Khaddaab ayaa daymooday dhinacaa, wuxuunna arkay Cumeyr Binu Wahab oo hashisii ka soo degaya, oo dhinaca Masaajidka u soo socda isaga oo Seef sita! Cumer Binu Khaddaab, ayaa yaabay oo yidhi: “ Waa cadawgii Ilaahay ee Cumeyr Binu Wahab. Wallaahi, shar mooyee waxkale uma iman. Gaalada ayuu Maka u soo tilmaamay. Beder horteed yar waxa uu ahaa basaas!
Dabadeed, dadkii la fadhiyay ayuu ku yidhi: “ Rasuulkii Alle u taga oo isku hareereeya, ugana diga, inuu waxyeelo shirqoolahan xun!”
Cumar Binu Khaddaab, wuxuu degdeg ugu tagay Rasuulka wuxuunna ku yidhi: “ Rasuulkii Alloow, waxa yimid cadawgii Alle ee Cumeyr oo Seef sita, uma malaynayo inuu shardoonayo mooyee waxkale.” Rasuulku, wuxuu yidhi: “ iisoo geli Cumeyr.”
Cumar baa ku laabtay Cumeyr, wuxuunna u soo kaxeeyay dhinaca Nebiga SCW. Cumeyr weli wuxuu sitaa Seeftiisii. Nebigu markuu xaaladda arkay Cumar buu ku yidhi: “ Cumar Binu Khaddaaboow, soo daa.” Wuu soo geliyay. Cumeyr markuu Nebiga u soo galay, waxa uu ku salaamay Salaantii Jaahiliga ee Carabta oo ahayd “ Ancim Sabaaxan.” Nebiga ayaa yidhi: “ Cumeyroow, Alle wuxuu nagu karaameeyay Salaan ka khayr badan Salaantaada. Waa salaanta Ehlu Jannada.” Cumeyr, wuxuu yidhi: “ Waxbadan Salaantayada kama duwana. Arrin cusub baad la timid.”
Nebiga ayaa wayddiiyay: “ Cumeyroow, maxaad halkan u timid/ sababta imaanshahaaga sheeg?”
Cumeyr: Waxa aan u imid in aan isii daysaan maxaabiistan aad haysaan. I wanaajiya.
Nebiga: Seeftan aad sidataana waa maxay?
Cumeyr: Alle ha xumeeyo seefta.
Nebiga: Run ii sheegoo, maxaad u timid?
Cumeyr: Adiga mooyee cidkale uma iman.
Nebiga ayaa yidhi: “ Adiga iyo Safwaan ayaa wadafadhiistay dhagaxa agtiisa….” Nebigu wuxuu u sheegay wixii ay ay markii hore ku sheekaysteen ee ahaa in Cumeyr ka cabtay in dayn lagu leeyahay, carruurna uu leeyahay. Haddii uu cid ka reebta heli lahaana uu Nebi Muxammed dili lahaa. Wuxuunna Nebigu ugu soo gegabeeyay “ Waxa aad u timid in aad ani I disho.”
Cumeyr, wuu yaabay! Waxoogaa buu yaabbanaa! Dabadeedna, wuxuu yidhi: “ Waxa aan qirayaa in aad tahay Rasuulkii Alle.” Dabadeed, waxa uu yidhi: “ Rasuulkii Alloow, waannu beenninay arrintii aad samada ka gala timid, iyo Waxyigii lagugu soo dejiyay. Balse, arrintayada aniga iyo Safwaan cidna ma ogayn labadayada mooyee cidkale.”…
Qisada o dhammaystiran ka akhriso Kitaabka aan turjumay ee “ Milicsiga Sooyaalka Asxaabtii Nebi Muxammed SCW.”
Meelahan ayaad ka helaysaa:
Hargeysa: Iqra Books ( Ka soo horjeedka Masjidka Ibraahin Dheere), Hema Books.
Jigjiga: Geeljire Bookshop
Muqdisho: Yalax Bookshop
WhatsAPPs ka Online ka dalbo: +252634569020/252637377371
Comments
Post a Comment