Posts

Showing posts from August 21, 2022

Ninkii Dhimashadiisa Gaaladu ku Farxeen!

Image
  Ninkan markii uu dhintay reer Yurub aad bay u farxeen. Qabrigiisii ayay dul fadhiisteen iyaga oo ku dul jaasaya, khamrigana ku dul cabbaya. Dadka qarbiga Salaaxudiin Al Ayuubi ku dul jaasayay waxa ka mid ahaa boqor Fuunus, qabrigii Salaaxudiin ayuu teendho ka dul dhistay, wuxuuna dul dhigtay sariir dahab ka samaysan. Isaga iyo xaaskiisiiba iyaga oo jiqilaysan ayay qabrigii dul seexdeen. Boqorkii wuxuu yidhi: “ Maanta waxa aan la wareegay dhulkii Muslimiinta iyo Carabta.” Mid ka mid ah dadkii Qabriga dul fadhiyay ayaa yidhi: “ Wallaahi haddii ninka qabrigan ku jiraa uu soo baxo hal qofna innaga reebi maayo oo dhammaanteen wuu inna wada layn.” Boqorkii baa xanaaqay, seeftiisa ayuu galka kala baxay isaga oo raba ninka hadalkan leh inuu qoorta ka gooyo, ka dib xaaskiisii oo ag joogtay ayaa gacmaha qabatay, waxayna ku tidhi: “ Run buu ninkaasi sheegay, haddii uu Salaaxudiin noolyahay ma sidaas ayaynu qabrigiisa ugu dul faani lahayn? Wallaahi taasi isaga sharaf bay u sii kordhinaysaa, xata