Posts

Showing posts from January 3, 2021

Milicsigayga iyo Islaxisaabtanka Sannadkii 2020: Maxaan akhriyay, Qoray, Turjumay, Sookoobay, Gorfeeyay?

Image
Hordhac In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo ayuu u xadhkaxidhanayaa. Aniga oo taas ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkan dhammaaday ee 2020 ka aan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay, qoraallada aan qoray, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka aan u safray,   iyo IWM. Akhriskayga Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxbaan akhriyaa. Marka laga yimaaddo maqaallada kookooban ee aan baraha Bulshada iyo Baloogyada ka akhriyo, buug ii furan ayaan wax ka akhriyaa maalin walba. Caadada aan leeyahay waxa ay tahay inaan saacado badan akhriyo buugga, dadka daqiiqado kooban wax akhriya ma ihi, kuwa marka ay fadhiistaan saacado akhriy