Posts

Showing posts from April 3, 2022

Xaliima-Sacdiya: Hooyadii Rasuulka SCW Nuujisay: Haweenkii Saxaabiyaadkii Nebi Muxammed SCW Qaybta 2aad

Image
  Ka dib waxa aan tagnay guryahayagii ku yaallay deegaannada reer Banii Sacad, ma jirin dhul ka abaaraysnaa oo ka liitay markan. Balse, adhigayaga ayaan aroortii iska foofsan jirnay, galabtiina soo hoyn jirnay oo iskaga hawllanayn. Xoolahayaga ayaan la maali jirnay wixii Alle noo qaddaray ee aannu ka maali karno, ka dibna caanaha ayaan cabbi jirnay, ma jirin qof aan adhigiisa wax ka helin. Tolkay ciidanka xoolaha u raaca ayay ku odhan jireen “ Hoogee, adhigiina u daaq geeya halka Ina Abii Du’ayb adhigeeda u foofiso. Ka dibna adhigooda ayay naga soo daba kaxayn jireen oo marka aannu adhigayaga wadno wayna gadaal wadi jireen, balse waxa ay soo celin jireen adhigii oo gaajoonaya. Annagu xagga Alle ayaan barako iyo khayr ka heli jirnay illaa abaartiiba nagaga tagtay ilmahan yare ee aannu nuujinayno. Ilmihii ayaa naaska ka gudhay. Wuxuuna noqday laba sano jir, oo xoog buu yeeshay, wuuna awoodaystay. Intaas ka dib Hooyadii ayaan ilmihii oo ah Maxamed Binu Cabdillaahi u gaynay. Annaga oo mark

Xaliima-Sacdiya: Hooyadii Rasuulka SCW Nuujisay :Haweenkii Asxaabtii Nebi Muxammed SCW

Image
Qaybta 1aad Xaliima-Sacdiya, waa hooyo miisaan culus ku leh qofkasta oo Islaam ah; Muuminkastana sharaf bay agtiisa ku leedahay. Xaliima-Sacdiya, naaskeeda daahirka ah ayay Nebi Muxammad SCW ku nuujisay, laabteeda sharfanna way ku qabatay; dhabteedana naxariis darteed ayay saartay. Carrabkeeda iyo afkeedana way ku barbaarisay, oo hadalka cad ayay ku bartay Nebi Muxammad SCW. Nebiguna waqtigaas uu yaraa waxa uu ka mid noqday dadka ugu aftahansan ee hadalka cad leh; codkarnimo bandanna wuu ka bartay. Haddaba gabadha sidaas ula dadaashay waa hooyadii dhinaca nuugmada ee Nebi Muxammad SCW. Haddaba inay nuujiso Xaliimo ilmahan yar ee barakaysan ee dunida naxariista u ahaa waxa uu iyada u soo kordhiyay wanaag badan iyo hanuun badan, akhlaaqdeedii iyo fadligeediina kor buu u qaaday. Xaliimo intii ay Nebiga nuujinaysay ee barbaarinaysay dhacdooyin badan ayay kala soo kulantay. Mid ka mid ah qisooyinkii ay Nebiga ka aragtay Xaliimo waqtigii uu carruurta ahaa aynu ka dhegaysanno: Xaliima-Sacdiy

Hordhaca Buugga “ Dhabbadii Dhibaatada: Hawlgalkii Sarihii Mataanaha 11 Sep” Qaybtii 3aad

Image
  Qisadaasi iyada oo ay ka soo wareegtay saddex iyo toban sannadood, welina dhinacyada kala duwan ee ay ku socoto darteed waxa ay kicin jirtay dood iyo faduulnimo. Aragtida Carabta ku gaarka ahi waxa ay ahayd inayna illaa maanta in badan oo ka mid ahi ayna daynin inay i wayddiiyaan in dhab ahaan ay Al Qaacida ka danbaysay weerarkii dhacay 11 Sibtanbar ee Sarahii Mataanaha. Warcelintayduna waxa ay ku salaysnayd waaqic ahaan wixii aan baadhid gaar ah ku ogaaday. Isma baddelayso oo sidaas ayay ahaanaysaa. Aniga shaki iiga gama jiro in Ururka Al Qaacida ay ahaayeen kuwii weerarkaa doonay, ku fekeray, ee qorsheeyay, ciidamo u sameeyay, dad u tababbaray, maalgaliyay,   dad u diray, isku xidhay ama agaasimay, dabadeedna ku dhaqaaqay ee fuliyay wixii ay dooneen. Wixii maalintaas dhacay, iyo wixii maalmo yar ka hor weerarkaas dhacayba waxa ay u baahanyihiin baadhid dheeraad ah.    Dhinaca Maraykanka waxaa u gaarka ahaa waxa uu ahaa in xaajada wixii maalintaas Waashitoon ka dhacay fasirk

Hordhaca Buugga “ Hawlgalkii Sarihii Mataanaha 11 Sep” Qaybtii 2aad

Image
  Nuxurka wixii aniga iyo Masuuliyiinta ugu waawayn Warbaahinta Al Jazeera ee Dooxa waqtigaas nagu dhexmaray, faahfaahintooda buuggan ayaan ku sheegi doonaa. Balse, arrintu waxa ay igu qaadatay in ka badan afar sannadood inaan garto wixii gadaashayda ka dhacayay— waqtigaasi waxa uu ahaa intii aan joogay Dooxa, waxyar ka dib intii aanan ku laaban London ka hor oo ahayd markii uu Saaskiindi faafiyay buuggiisa, sannadkii 2006dii. Qoraa Saaskindi, isaga oo ka soo xiganaya Wakaaladaha Sirdoonka, wuxuu xusay in Jooj Tayniid oo ahaa Madaxii Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA) waqtigaas uu maalintaas oo ahayd 14kii Juun Sannadkii 2006dii uu soo galay Kulankii Shanaad isaga oo cadho qarxaya. Mawduuciisii ayuu miiska wadahadalka soo saaray, isaga oo baddelaya Jadwalkii Shaqada, wuxuu hadalkii ku bilaabay intan: “Sida aad ogaydeen waxa khilaaf naga dhexeeyay saaxiibkeygii boqorka ahaa (isaga oo markaa u jeeday boqorkii Qadar ee waqtigaas oo ahaa Sheekh Xamad Binu Khaliifa Aala Saani)… Balse,

Hordhaca Buugga “ Dhabbadii Dhibaatada: Hawlgalkii Sarihii Mataanaha 11 Sep” Qaybtii 1aad

Image
  Qaybta 1aad “Aroornimadii bis hii Juun 14keedii sannadkii 2002dii Warbaahinta Al Jazeera wxa ay u diyargaroobaysay warsaxaafadeedkii ugu waynaa markii uu Yusri Fawda soo galay dhismaha ay ku lahayd Dooxa,   isaga oo sita buuggiisii xasuusqorka iyo siro badan oo uu rabay inuu faafiyo. Canjaladaha lagula ballamay inuu kula kulmo madaxda Al Qaacida waqtigaas waqti ka danbeeyay ayay soo gaadheen. Balse, waxa uu dareensanaa in ay gaadhay xilligii ay madaxdiisii shaqadu arrintan ogaan lahaayeen.” [1] Weedhahaasi maaha aniga kuwaygii. Waxa yidhi oo ay hadalkiisii yihiin Wariyaha iyo qoraaga wayn ee Reer Maraykan Mudane Roon Saaskiinda (Ron Suskind) , oo ah mudane ku guuleystay abaalmarinta ugu wayn wariyannimada dalka Maraykanka. Waa nin ka agdhaw isbeddelka arrimaha siyaasadda iyo amniga Waashitoon. Markii aan indhaha ku dhuftay sadarrada ku xardhan buuggiisa ‘ The One Percent Doctrine ~ مبدا الواحد في المئة ~Aragtida Boqolkiiba hal” labadayda indhood argaggax iyo danayn ayay la bal