Posts

Showing posts from October 11, 2020

Faallada Buugga “ Maan Guursadeen!”

Image
  Hordhac Sannadkii 2016kii ayaan u baahday inaan guurka wax ka akhriyo, malahayga Dugsiga ayaa la igu qoray mawduucaas. Galab ayaan Internetka ku qoray GUUR. Islamarkiiba waxa iisoo baxay maqaal uu cinwaankiisu ahaa ‘ Maan Guursadeen!’   Cinwaanka maqaalka ayaa aad isoo jiitay, waan sii dhexgalay. Maqaalka araartiisa hore ayaan la ashqaraaray illaa aan dhammeeyay. Inta maqaalka ku qornayd ee aad iisoo jiidatay waxa ka mid ahaa intan “Haweenku marka ay ku oggolyihiin gobsanaa, gaarisanaa, garasho badanaa. Marka kalana murkur, madax[a]deyg, iyo maneeno badanaa…” Farshaxanka maqaalka ayaan la dhacay. Qoraaga oo ahaa Axmed Ismaaciil, ayaan isku dayay inaan wax ka ogaado. Nin iga waynaa oo Boorama aannu waqtigaa wadajoognay ayaan ku idhi: “ Walaal, ninka la yidhaa Axmed Ismaaciil ma taqaannaa, waxa aan akhriyay maqaal la yidhaa ‘ Maan Guursadeen’ oo uu qoraye?” Ninku wuu gartay, markaas ayuu igu yidhi hadal u macne eeg: “ Axmed Deeq ayaa la yidhaa. Waa nin fekerro reer Galbeed aamins