Posts

Showing posts from December 8, 2019

Sookoobidda buugga ‘ Luuqadda Doodda ~ The Language of Argument.’

Image
Hordhac Buuggan innoo daaran waxa ladhkiisa la yidhaa ‘ The Language of Argument’ oo Af Soomaali haddii aynnu soo dhawaynno ku noqonaya ‘ Afka Doodda ama Luuqadda Doodda.’ Waxa aynnu garawsannahay in mawduuckastaa uu leeyahay af gaar ah oo lagu hadlo, oo uu baadisooc ahaan u leeyahay. Tusaale ahaan, siyaasaddu af gaar ah ayay leedahay. Dhaqaaluhu af gaar ayuu leeyahay. Sharcigu af gaar ah ayuu leeyahay. Beeruhu af gaar ayay leeyihiin. Markaa waa gar in doodduna af gaar ah lahaato. Waxa qoray, oo ku mitiday laba qoraa oo kala qalin duwanaa. Midi wuxuu ahaa Daniel McDonald, oo noolaa intii u dhexaysay (Julaay 30, 1960kii – Febraayo 15, 2007dii) oo Filinmetele iyo qoraa ahaa. Da’ yaraan ayuu ku geeriyooday oo isaga oo 46 sano jira ayuu wedku u yimid. Wuu dhintay. Laba carruura ayuu adduunka korkiisa ku macasalaameeyay. Qoraaga kale ee la qoray waa Larry W. Burton  oo ah   qoraa buugaag kaladuwan oo mawdduuca xidhiidh la leh qoray. Si guud buuggu wuxuu ka koobanyahay