Posts

Showing posts from October 23, 2022

Sidee loo gaadhaa waxa aad jeceshahay?

Image
Qofkasta wax ayuu rabaa. Waxa jira waxyaabo badan oo uu si gaara u jecelyahay. Qof wuxuu jecelyahay inuu ganacsiga meel wayn ka gaadho, qof kale waxa uu rabaa inuu horumar badan ka sameeyo waxbarashada, qof kale wuxuu doonayaa inuu lacag sameeyo. Haddaba arrinta muhiimka ahi waxa ay tahay maxaa qofka ka caawinaya inuu gaadho wuxuu jecelyahay? Sidoo kale, side qofku u gaadhayaa wuxuu rabo ama xiisaynayo? Si aad u gaadhid waxa aad rabtid, raac tilmaamahan: 1-       Qorshe yeelo Waxa aad samaysataa qorshe ku saabsan waxa aad rabtid in aad gaadhid, tusaale ahaan waxa aad doonaysaa in aad gaadhid arrin ah sidii aad ganacsi u abuuri lahayd. Marka hore iswayddii wax lacaga maxaad haysaa? Halkeed ka samaynaysaa ganacsiga? Maxaad rabtaa in aad ka ganacsatid? Maxaad iibin doontaa? Qiimayaasha?   IWM. Qorshe noocaas ah samayso. 2-       Hammi yeelo Hammigu waxkasta oo la gaadhayo waa waxyaabaha ugu waawayn. Hammigu wuxuu ka midyahay waxyaabaha dadka kala hormariyay. Qofka inta uu hamm