Posts

Showing posts from January 23, 2022

Sideed uga faa’idaysan kartaa Sannadkan 2022?

Image
Hordhac   Sannad baa dhammaaday. Sannadkaasi waxa uu la dhammaaday hawlo, iyo qorshayaal. Sidoo kale, waxa bilaabmay sannad cusub, sannadkan cusubna waxa uu wataa hawshiisa, qorshayaashiisa, iyo waxyaabo kale oo u gaar ah. Waxa muhiim ah in qofku qorshe yeesho oo sannadkan waxbadan qabsadaa. Sidoo kale, waa inuu qofku wax korodhsado oo waxyaabo badan faa’idaysto, oo aqoon badan iyo adduun ba kasbadaa. Maadaama waqti cusub kuu bilaabmay, waqtigu wuu kugu socdaa. Maalin ba maalinta ka danbaysa qabriga ayaad u sii dhawaanaysaa, markaa waa muhiim inaad waqtiga ka faa’idaysatid. Qoraalkan kooban waxa aan kaga warrami doonaa waxyaabaha aan u arko inay muhiim yihiin ee qofku sannadkan 2022 kaga faa’idaysan karo. Aniga oo niyadda ku haya in dadka akhriyayaa kala duwanyihiin, oo kala aqoon, waayo, duruuf iyo xaaladaba duwanyihiin, haddana waxa aan tilmaami wax qofkasta wuxuun ka anfaca. Maxaan kaga Faa’idaystaa 2022? Sannad baa bilaabmay, waa waqti cusub, waaya cusub iyo ammin cusub

Muxuu ka hadlayaa buuggayga “Helen Keller: Gabadhii Indhaha iyo Dhegahaba la'ayd ee Ph.D Qaadatay”?

Image
Waa buug u qoran qaab sheeko, wuxuu ku halqabsanayaa gabadha la yidhaa Helen Keller. Helen Keller, waxa ay ahayd qoraa, macallimad, tababbare nololeed, & gabadh arrimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba u dhaqdhaqaada! Indhaha iyo Dhegaha ayay naafo ka ahayd. Helen Keller, waxaa lagu tiriyaa dadka adduunka soo maray kuwa ugu guulaha wanaagsan ee wax laga dheefo oo lagu xasuusto ka tagay. Ugu horreyn iyada oo caafimaadqabta, misana Lixda laxaad ba qabta ayay dhalanaysaa. 19 bilood marka ay jirsato ayay xummadi ku dhacaysaa. Muddo ayay la ildarnaanaysaa. Waxay muddo la jiiftaba xummaddiibaa ka ba’aysa. Xummaddii way ka ba’day, se waxa ay kaga tagtay indhala’aan iyo dhegala’aan. Labadii laxaad ee lixda laxaad ugu mudnaa ayay waayaysaa! Dam. Hooyadeed, iyo Aabbaheed ayaa dhakhtar u raadinaya. Hooyadeed qaabka ay u raadinayso waxaa ka mid ah inay la socoto Wargeysyada maalinlaha ah ee guud ahaan dalka, gaar ahaanna gobbollada jaarka ka soo baxa. Markaa maalin iyada oo akhriyaysa Wargeysa