Posts

Showing posts from September 29, 2019

Sookoobidda Buugga ‘ The Art of War ~Tabaha Dagaalka’ ee uu qoray Sun Tzu

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa ‘ Tabaha Dagaalka’ waxaa qoray dagaalyahan Sun Tzue oo noolaa intii u dhexaysay  544–496 Nebi Ciise SCW hortii. Waqtiga saxda ah ee uu dhashay, iyo meesha uu ku dhashayba war sugan lagama hayo, dood baa ka taagan oo sooyaalyahannada qaarba xilli iyo goob bay sheegaan. Xirfaddiisu waxa ay ahayd Milliteri, oo wuxuu aad ugu xeeldheeraa culuunta Milliteriga iyo dagaalka. Sidoo kale, waxa uu ahaa qoraa laga qiiqay, iyo Faylasuuf aan lagaga dabadhufan aqoonta la xidhiidha Milleteriga iyo Istaraatijiyadda dagaalka. Magaciisa saxda ah waxoogaa dood baa ka taagan, oo ‘Sun Wu’ ayaa markii uu dhashay lagu magacaabay ayaa la yidhi, oo markii danbe ayaa loo baddelay magaciisa ‘ Sun Tzu’ oo sharaf ahaan ah, lana macna ah ‘ Master Sun.’ Buugaag wuu qoray, se waxaa ugu caansan kan hadda aynnu falanqaynayno ee ‘ The Art of War.’ [1] Buuggan ‘ The Art of War’ oo aynnu Af Soomaali ahaan ku beddelan karno ‘ Tabaha Dagaalka’ ama ‘ Farsamooyinka Dagaalka’ waxa uu markii