Posts

Showing posts from July 15, 2018
Image
Kitaabka ' Usuulu Salaasa' isaga oo Af Soomaali ah, halkan kaladag PDF ahaan. Guruubka: Gorfaynta Buugga iyo wax kala faa'ideysiga. https://www.facebook.com/groups/2039989486264226/?fref=mentions

Wax’akhrisku Waaa Sirta Nolosha.

Image
           Wax’akhrisku waa safar, safarkana cibro ayaa ku sugan. Dadka safra ee badawda ahina waxba ma akhriyaan, wixii nolosha cibroqaadasho ku suganna ma garanayaan; waayo ma rixlaynayaan, meel kaliyana waqtigu wuu iskugu bedbeddelayaa. Safarku waa isku mid balse, cibraqaadashu maaha dhaqdhaqaaqa. Cibraqaadashadu waa caqliga socdaalaya ee dhaqdhaqaaqaya. Wax’akhrisku waa fiirfiirin, fiirfiirintana waxaa ku jirta fekrad. Balse, kuwa wax akhriya caqlila’aan waxba fiirfiirin maayaan. Waayo, iyaga oo aan fahmin ayay rabaan in ay wax ogaadaan. Abii Muuse Al-Ashcari waxaa laga doonay fahan.. fahan, ujeeddadooduna waxa ay ahayd ogaansho, fahan ma ahayn. Balse Cumar Buugga ( إعلام الموقّعين عن رب العالمين ) fahmi dabadeed ayuu ku sheegay, warqaddii Cumarna waxa ay isku baddeshay Buugga uu gacanta ku qabtay Ibnu Qayim. Wax’akhrisku wuu macaanyahay, macaankuna wuxuu leeyahay raaxo. Balse, kuwa wax akhriya iyaga oo aan macaankii wax akhriska dareemayni caqli malaha. Waayo,