Posts

Showing posts from February 17, 2019

Gedgeddoonka Mabda’a bilaa Jihada ah: Maxammed Baashe Muunad ahaan.

Image
Mabda’u waa waxa haga ee qofka noloshiisa qurxiya misana macno buuxa u yeela. Qofku mabda’o kala jaad ah ayuu yeelan karaa, waxase muhiim ah in uu ka fiirsado waxa uu guntanayo ee uu qaadanayo. Aniga oo arrimo badan cuskanaya ayaan isku dayi bal aan naqdiyo qofka bilaa jihada ah ee aan meel loogu soo hagaago lahayn. Waxa aan hadda muunad ahaan u soo qaadanayaa Qoraa Maxammed Baashe, aniga oo kaliya hadalladiisa iyo wuxuu isagu qoray ku naqdin doona. Muddo hadda laga joogo labo sanno ayaa Dhallinyaro badan oo Hargeysa joogtaa aad uga dhiidhiday Wareejintii Dekedda Berbera. Munaasibado dhawr ah ayay qabteen, oo meelo Hargeysa ka mid ah ku qabteen. Dhallinyaradaa waxaa dabada ka riixayay oo horkacayay dad uu Qoraa Maxammed Baashe ugu mudnaa. Qoraaga isaga iyo dhawr odey oo kale waxa ay samayteen boodh wayn oo ay ku taallay ‘ Fadlan, na qanci’─iyaga oo Dawladdii waqtigaa jirtay ee Siilaanyo gadhwadeenka ka ahaa la hadlaya. Markii ay arrintu halkaa marayso, habeenkii markii xafl