Posts

Showing posts from June 7, 2020

Gorfeynta Buugga “ Hammigaygu waa inaan nin DILO!”

Image
Hordhac Buuggan lagu magacaabo “ Hammigaygu waa inaan nin DILO!   ” Waxa qortay Sucaad Suldaan Shaamisi. Sucaad, Shahaadada Digreega koowaad waxa ay ku diyaarisay Injineernimada Diyaaradaha. Shahaadada labaad ee Mastartana   maammulka diyaaradaha ayay Jaamacadda Conventry ee Boqortooyada ingiriisiga ka diyaarisay. Haddana waxa ay diyaarisaa Shahaadaha Ph.D kulliyadda maammulka madaarrada iyo diyaaradaha. Waanna gabadhii ugu horraysay ee maammusha Madaarka Abuu Dabay ee cusub.   Sidaa si la mid ah waa gabadhii ugu horraysay ee Imaaraad ah ee maammul Madaar qabata sida warbixin ay warbaahinta ( Al Aan TV تلفزيون الآن ) ka diyaarisay lagu sheegay. Waxa ay isku dayday inay Majaalkaa ka soo dhalaasho. Way na ka soo dhalaashay. Sidoo kale, waa qoraa qortay sheekooyin. Waxa kale oo ay qortay sheekada la yidhaa   " زهرة السوسن ." Sucaad, waa xaas, iyo hooyo carruur leh. Sida ay qortay Mareegta afka dheer leh ee " العين الإخبارية " waxa ay ku magacaabaan “ Sheek