Posts

Showing posts from November 7, 2021

Marka Qofku Qalinjebiyo: Fursadaha iyo Caqabadaha

Image
  Hordhac   Bishan iyo tii ka horraysaay waxa geyiga Soomaalida guud ahaan laga qabanayay xaflado qalinjebineed. Xafladahaasi oo loo qabanayay arday Jaamacaddii dhammaysay oo shahaadooyin kala heerar duwan qaadatay. Ardeyda xafladda loo qabtaa waxa ay u badanyihiin arday muddo dheer wax soo baranayay. Ardayda ugu yar waa kuwo wax soo baranayay muddo ku dhaw 16-19 inta u dhexaysa. Maalintaas muhiimadda xafladda loo qabtaa waa in ardayga la dhiirrigeliyo oo tacabka dheer ee uu soo galay loogu hanbalayeeyo. Maalintaas ardeygu waxa uu galayaa xaalad kala guur. Wuxuu ka soo baxayaa marxalad nololeed oo uu muddo la qabatay, wuxuuna galayaa marxalad kale oo cusub oo muddo u baahan inuu la qabsadaa. Marka qofku waxbaranayo ee Dugsi ama Jaamacad ku jiro wuxuu ku jiraa xaalad isku toosan oo dhinac loo socdo oo ardaygu dariiq iyo waddo uu raaco ayuu haystaa. Balse, marka qofku soo qalinjebiyo ma jiro dariiq sax ah oo uu raacaa, wuxuu galaa marxalad furan iyo nolol ballaadhan oo fursado iy