Posts

Showing posts from March 18, 2018

Arjumidda

Image
Arjumiddu (Rajmigu) waa in qofka tunta ee xaaslaha ah ( Nin iyo naagba) lagu dilo dhagaxaan, ka dib marka la helo ee ay caddeeyaan afar markhaati oo lagu kalsoonyahay, shuruudo badanna lagu xidhey. Afarta markhaatiba waa in ay arkayeen in irbaddu dunta ku jirtay. Way isku duljiifeenna lama aqbalayo, caddeyn dhab ah mooyiye. Haddii saddex ka mid ahi arkaan oo uuna mid afartaa ka mid ahi arkayn qofkaa dhagax laguma dilayo. Xukunkaasina ma fulayo, lamana fulinayo. Xukunka Arjumiddu waa mid waayahan danbe noqdey gabbaad Diinta lagu maago oo loogu soo gabbado. Xukunkan waxa aan shaqo kalaba hayn oo ka shaqeeya rag badan oo u badan Calmaaniyiin iyo Caqlaaniyiin. Nimankani waxa ay ku doodaan sideebaa qofnool dhagax loogu dilayaa? Miyeyna arxandarro ahayn? Sideebayse caqligayaga u galaysaa? Nimanku muraad intaa ka badan ayay leeyihiin oo ah in Diinta Islaamka hummaag khaldan ay ka bixiyaan. Arjumidda (Rajmigu) waa xukun ka mid ah xukunnada waaweyn ee Diinta Islaamka. Waxaana jideey