Posts

Showing posts from December 22, 2024

Faallada buuga ‘ Awoodda Si Togan u Fekeridda- The Power of a Positive Mindset’

Image
  Buuga ‘ The Power of a Positive Mindset’ waxa qoray Jason Wolbers. Af soomaali ahaan waxa aan mu macnayn karnaa ‘Si Togan u Fekeriddu.’ Buugu wuxuu ka warramayaa sida maskaxda sida togan u fekeraysaa saamayn wacan ee ay ku yeelan karto waayaha kala duwan ee qofka noloshiisa. Halkan waxa aan ku soo koobayaa shan cashir oo aynu ka baran karno buuga: 1- Saamaynta fekerrada xaqiiqada ku salaysan: Qoraagu wuxuu xoojinayaa in fekerradeennu qaabeeyaan xaqiiqada. In qofku abuuro fekerro togani waxa ay saamayn ku yeelataa habfekerkeenna, habdhaqankeenna, iyo   natiijooyinkeenna. Sidoo kale, waxa ay innagu hoggaamisaa in aynu gaadhno guulo nololeed oo badan iyo inaan nolosha waxbadan qabsanno. 2- In qofku iska gabagabeeyo fekerrada taban ee naftiisu ugu sheekaynayso: Buugu wuxuu hoosta ka xarriiqayaa muhiimadda ay leedahay in la aqoonsado ka dibna laga takhalluso fekerrada taban ee naftu qofka ugu sheekaynayso. Waa in meesha laga saaraa shakiga nafta iyo dhalleecaynta naft...

Faallada buuga “ UNDERSTANDING YOUR POTENTIAL~ Garo karaankaaga”

Image
  Hordhaca Buugan la yidhaahdo ‘ Garo A karaankaaga’ waxa qoray qoraa   MYLES MUNROE. Qoraagu mawduucyada la xidhiidha arrimahan karaanka ayuu aad wax uga qoraa. Qoraagu wuxuu ahaa siyaasi xilal kala duwan oo wasiirnimo soo qabtay, sidoo kale waa dhirrigeliye, macallin jaamacadeed iyo qoraa. Buug kala duwan buu qoray, buugta uu qoray waxa aan ka xusi karaa   buuga la yidhaahdo “ The Principle and Power of Kingdom Citizenship: Keys to Experiencing Heaven on Earth" oo uu qoray sannadkii 1992kii. Qoraagu wuxuu dhintay sannadkii 2014kii. Isaga iyo xaaskiisa ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed. Shilku wuxuu ka dhacay Grand Bahama International Airport. Nuxurka Buuga Buugan qoraagu wuxuu soo saaray sannadkii 1992kii. Halkan waxa aan ku soo koobaynaa 10 cashir oo laga baran karo buuga: 1-       Garo ujeeddada kuu gaarka ah: Buugan ‘ Garo Karaankaagu’ wuxuu inna barayaa muhiimadda ay leedahay in aan yeelanno oo xoojinno ujeeddooyinkeenna. Mar...

Faallada buuga " Sideed u Hoggaaminaysaa Dadka Caqliga Badan~How To Lead Smart People"

Image
    Hordhac   In la hoggaamiyo dadka maskaxda badan macnaheedu waxa weeyaan in la abuuro deegaan ama jawi lagu koro, oo aan kaliya badbaado uun ahayn.” Buugan "How To Lead Smart People," waxa lagaga warramayaa in si tayo leh loo hoggaamiyo dadka maskaxda badan iyo shakhsiyaadka xirfadaha leh. Buuga waxa aan ka baran doonaa cashirro dhawr ah.   Nuxurka Buuga   Siddeed cashir oo buuga laga baran karo ayaynu soo koobi doonaa: 1-      Xidhiidh macno leh Hoggaamiyayaasha caqliga badani waxa ay sameeyaan xidhiidh macno leh oo waxa ay si cad u qeexaan hadafyadooda iyo filashooyinkooda. Arrintani waxa ay ka caawinaysaa hoggaamiyuhu inuu awood yeesho, misana isaga oo xoojinaya wadakeeshaysiga furan ee uu la yeelanayo kooxda, isaga oo qofkastana si wacan wax ugu calaamadinaya. 2-     Dhegaysi wacan Dhegaysiga wanaagsani waa u muhiim hoggaaminta fiican. Waa in hoggaamiyuhu si wacan ula falgalo xubnaha kooxda, waana...