Hordhac
In la hoggaamiyo dadka maskaxda
badan macnaheedu waxa weeyaan in la abuuro deegaan ama jawi lagu koro, oo aan kaliya
badbaado uun ahayn.”
Buugan "How To Lead Smart People," waxa lagaga
warramayaa in si tayo leh loo hoggaamiyo dadka maskaxda badan iyo shakhsiyaadka
xirfadaha leh. Buuga waxa aan ka baran doonaa cashirro dhawr ah.
Nuxurka Buuga
Siddeed cashir oo buuga laga baran karo ayaynu soo koobi
doonaa:
1-
Xidhiidh macno
leh
Hoggaamiyayaasha caqliga badani waxa ay sameeyaan xidhiidh macno
leh oo waxa ay si cad u qeexaan hadafyadooda iyo filashooyinkooda. Arrintani
waxa ay ka caawinaysaa hoggaamiyuhu inuu awood yeesho, misana isaga oo xoojinaya
wadakeeshaysiga furan ee uu la yeelanayo kooxda, isaga oo qofkastana si wacan
wax ugu calaamadinaya.
2-
Dhegaysi
wacan
Dhegaysiga wanaagsani waa u muhiim hoggaaminta fiican. Waa in
hoggaamiyuhu si wacan ula falgalo xubnaha kooxda, waana inuu qiimeeyo
waxsoosaarkooda. Hoggaamiyayaashu waxa ay xoojiyaan wadashaqaynta, waxayna
caqadabada u keenaan xalal wanaagsan.
3-
Xoojinta
iyo horkicid
In xubnaha la xoojiyaa waa muhiim oo waxa ay dareensiisaa
lahaansho iyo masuuliyad. Hoggaamiyayaashu waa inay si wanaagsan masuuliyadda u
qaadaan, waana inay raciyadda u oggolaadaan inay hal’abuur ku soo kordhiyaan
qorshaha socda iyo inay si wayn oo macno leh uga qaybqaataan.
4-
Aragti
isku dheellitiran
Qoraagu wuxuu xoojinayaa
muhiimadda ay leedahay aragtida isku dheelliga tirani. Hoggaamiyayaashu waa
inay qaataan waqti ay ku fekeraan oo ay macquula wax uga falceliyaan. Taasi
waxa ay keenaysaa inay go’aan gaadhaan, oo ay furdaamiyaan arrimaha ad’adag.
5-
In ay
aaminaad dhisaan
In kooxda dhexdeeda aaminaad laga dhex dhisaa waxa ay aasaas u
tahay hoggaaminta wanaagsan. Hoggaamiyayaashu waxa ay dhisaan aaminaad, iyaga
oo u shaqaynaya si hufnaan, joogtayn iyo kalsooni leh. Taasi waxa ay
dhiirrigelinaysaa wadasheekaysi furan, waxayna xoojinaysaa isdhexgalka kooxda.
6-
Tamar helid
Hoggaamiyayaashu waa inay dadka tamar iyo awood ku beeraan oo
noqdaan ‘ Awood beerayaal.’ Waa inay kooxda xamaasad iyo tamar ku beeraan.
Tamartani waxa ay dhiirrigelinaysaa oo kicinaysaa xubnaha, waxayna abuuraysaa
fakaag iyo deegaan ay ku shaqeeyaan.
7-
Furfurnaan iyo la qabsi
Hoggaamiyayaasha wanaagsani waa kuwo wax la qabsada, waana
kuwo u jajaban kolba duruufaha jira. Waa kuwo u diyaarsan isbeddel, waana kuwo
u diyaara inay habeeyaan qorshayaashooda, iyaga oo ku salaynaya falcelinta ka
soo noqotay kooxda/dadka, iyo duruufaha ku hareeraysan ee u muhiimka ah guusha.
8-
Horumar joogto ah
Qoraa Mister wuxuu hoosta ka xarriiqayaa muhiimadda ay
leedahay isbeddellada horumarineed ee socda- haddii ay yihiin kuwo
shakhsiyadeed iyo iyo kuwo shaqeed/xirfadeed ah. Hoggaamiyayaashu waa inay
maalgaliyaan kobacooda iyo koba kooxdooda, iyaga oo xoojinaya in qofkastaa isku
hubeeyo/qalabeeyo xirfadaha uu u baahanyahay inuu kula tacaalo/maareeyo
caqabadaha mustaqbalka imanaya.
Gebagebo
Cashirradani waxa ay inna siinayaan qorshe wanaagsan iyo
deegaan deggan, kuwaasi oo ay leeyihiin dadka caqliga badani, wuxuu xoojinayaa
wada sheekaysiga, wada shaqaqaynta, iyo in dadku sameeyaan horumar joogto ah.
Noofanbar, 2024.
Comments
Post a Comment