Posts

Showing posts from February 4, 2018

GUUDMARKA BUUGGA “HOGGAAMIYE ISBEDDEL HORSEEDA’’.

Image
Waxa aan bilihii u dambeeyey akhriyey buugga la yidhaa “HOGGAAMIYE ISBEDDEL HORSEEDA’’─Waxa qorey Saciid Cali Shire, oo ah aqoonyahan ku takhasusey Culuunta Ganacsiga, Hoggaaminta iyo Bangiyada Islaamka. Kana soo shaqeeyey xarumo aqoon, cilmi baadhis, iyo la talin; oo ku kala yaala UK, Norwey, iyo Soomaaliya. Siciid sidoo kale, waa guddoomiyaha Shirkadda Buux Consulting . Buugga muddo badan ayaan akhriya-yey kolbana u yara nasanayey, dabadeed bilaabayey illaa aan ka dhammeeyey. Waa buug ka kooban 249 bogg. Laakiin, aqoonta uu xambaarsanyahay waxa ay u dhigantaakumannaan bogg. Buuggu wuxuu xambaarsanayahay waayo-aragnimo xeeldheer oo waqtiyo fara badan la baadhayey. Wuxuu is ku xidhayaa ilbaxnimada, iyo sidey dadku ula jaanqaadi karaan. Wuxuu ka warramayaa dhammaantood waa wax nafci leh, maaha wax cantarabaqash ah. Waa buug waqti la galiyey oo heersare ah. Waa buug waayo-aragnimo iyo taariikhba kulminaya, sida uu Dr. Cabdiraxmaan yidhi : “[…]Waa buugg waafiya oo kulmiyey taariikhdi

RAALLI AHAW, DHAGAXU ARGAGIXISO MAAHA QALINKUNA QAS MAAHA!

Image
Beriga dhexe waxaa ku jira labo awoodood oo waaweyn. Midkood waxa ay haysataa baaruudda Nukliyeerka ( Nuclear Bomb) ─waxaynna Gobolka ku leedahay awood aan bujuu laga daba odhan, waana Israa’iil. Wax ay haysataa hub badan, Waxa aynna awood u leedahay in ay caasimadaha Carabta u beddesho qas. Ta labaad: waa Iiraan, waxa ay leedahay ciidan badan, iyo awood laga gilgisho Gobolka. Waxa aynna qarka u saarntahay in ay samaysato hub Nukliyeer. Israa’iil, cidda ay doonto ayey dishaa waxaynna ku dishaa meesha ay doonto. Waxa kale oo ay ku duushaa cidda cidda ay doonto, iyada oo [Duulimaadka] ku magacaabasa magacyo kala duwan; mararka qaar ku qarinaya Maraykan baa [sameeyey sidaa]. Ilaaliyayaasha Beriga dhexe ee loo xilsaaray nabaddu─ shaqadoodii far caaradeedna kamay gudan─ faragelinta lagu hayaana tiro malaha. Gudaha ayaa loo galey si loo dhegareeyo caqliga iyo dhudhummada, ase warbaahintooodu waxa ay ku afgobaadsadaan in ay ka dabarjareen argagixisadii, Beriga dhexe! Iiraan, waxa

XUSEEN INA SIINE: CAALIMKII CAALIMYADA!

Image
Ina Siine, waxa uu ku dhashey magaalada Bukhaara, gugii 370 tirsiga Islaamka. Halkaasuuna ku noolaa bilowgii noloshiisa. Waqtigaa magaalada bukhaarina waxa ay aheyd meesha kulmisa Culmida iyo suugaanyahannada. Sidoo kale waxa ku yaalley dhigaal-oollo ( Maktbado) waaweyn. Jawigu wuxuu fakaag u siiyey Ina Siine, in uu wax barto. Aabbihiina wuxuu ku taxey (xidhey) macallimiin badan. Markii koowaad Qur’aanka ayuu xifdiyey, waxa kaluu dhigtey noocyada kala duwan ee luuqadda iyo suugaanta, isaga oo aan toban sanno jir gaadhin! Ina siine, wuxuu u leexday dhigashada buugta Giriigga noocyadooda kala duwan. Wuxuunna ka soo dhalaalay Cilmiga Dhakhtarnimada isaga oo yar. Oo Dhakhaatiirtii ugu waaweynayd [we caalamku ] isaga ayey wax ka dhigteen (Barteen). Ina Siine, wuxuu ku mashquuley Xisaabta, Xiddigiska, Fiisikiska, Falsafadda, Dhakhtarnimada iyo Mandiqa. Wuxuunna ka qorey buuggaag qaayasoor leh cilmiyadaa. Buuggaagtiisana waxaa loo afceliyey (turjumey) luuqadda LAATIINKA, oo raad weyn