RAALLI AHAW, DHAGAXU ARGAGIXISO MAAHA QALINKUNA QAS MAAHA!

Beriga dhexe waxaa ku jira labo awoodood oo waaweyn. Midkood waxa ay haysataa baaruudda Nukliyeerka ( Nuclear Bomb) ─waxaynna Gobolka ku leedahay awood aan bujuu laga daba odhan, waana Israa’iil. Wax ay haysataa hub badan, Waxa aynna awood u leedahay in ay caasimadaha Carabta u beddesho qas. Ta labaad: waa Iiraan, waxa ay leedahay ciidan badan, iyo awood laga gilgisho Gobolka. Waxa aynna qarka u saarntahay in ay samaysato hub Nukliyeer.

Israa’iil, cidda ay doonto ayey dishaa waxaynna ku dishaa meesha ay doonto. Waxa kale oo ay ku duushaa cidda cidda ay doonto, iyada oo [Duulimaadka] ku magacaabasa magacyo kala duwan; mararka qaar ku qarinaya Maraykan baa [sameeyey sidaa]. Ilaaliyayaasha Beriga dhexe ee loo xilsaaray nabaddu─ shaqadoodii far caaradeedna kamay gudan─ faragelinta lagu hayaana tiro malaha. Gudaha ayaa loo galey si loo dhegareeyo caqliga iyo dhudhummada, ase warbaahintooodu waxa ay ku afgobaadsadaan in ay ka dabarjareen argagixisadii, Beriga dhexe!

Iiraan, waxa ay dhex mushaaxdaa waddammada Carabta. Waxa ay ku tagtaa Lubnaan iyada oo joogideeda sabob uga dhigasa in ay ka hortagaso [balaayada ka dhacasa Lubnaan]. Waxa kale oo ay tegtaa Yeman, isna iyada oo joogideeda sabob uga dhigasa in taa in leeg. Waxa kale oo ay sidaa ula shaqaysaa Asad. Waxaas oo dhanna waxa ay wataan magacyo! Halkani waa Beriga Dhexe, kaliya─ legdankii wuxuu noqdey mid aan jirin oo ujeeddo beelay, sawracii wuu tayo beelay, eray bixintiina ujeeddadii ayaa laga qaadey. Qaayosoorkii ma dhiibsana. Dawladda Israa’iil, waxa ay dishaa dad aan waxba galabsan, intaa dabadeed waxa ay ku hadashaa luuqad Siyaasadeed. Hadda waxa ay isku magacawdey ( La degaalanka Argagixisadda~ محاربة الإرهاب). Iiraan waxa ay dishaa millatari Suuriyaana, waxa kale oo ay duullaaan ku tahay Yeman! Balse, waxaa jirta faragelin shisheeye.

Jawigan kulul, iyo ilibidhiqsigan kakan, caqligii Carabtu wuxuu ka madhanyahay dhacdooyinkan joogtada ah, wuxuunna ku maqanyahay waxba la’aan. Wxuunna la degaalamayaa eber! Carabta iyo Muslimiintuba waxa ay ka dhursugayaan, in hoggaanka Sucuudigu la dagaalamo argagixisada. Balse, innoomay sheegin: Yaa argagixiso ah? Waa kee ka doonaya xaqiisii nololeed? Maka maqaallada iyo buugta qora ee afkaartuna in ay ka madhnaato xukunka doonayaa? Ma caalimka sharciyeed ee gu’gii Carabta argagixisada u yaqaan baa? Mise waa ninka ciidan soo kaxaysta (Tusaale: Iiraan oo Maraykan soo dirsadey) ee Yemen kusoo duula? Mise waa isbahaysiga Islaameed (Tusaale: Sucuudiga) ee doonaya in uu Yemen ka xoreeyo Iiraan iyo Xuuthiyiinta? Argagixisada may kasoo horjeedaan?! Dhagaxa gacanta Palestiiniyiinta ku dhacaa ma ka Carabta argagixisada ka joojiyeybaa?! Qalinka xorta ah ee dhiirannida wataa, maka Carabta in yar in lagu sheego argagixiso diideybaa?!

Markey akhlaaqdu hoos u dhacdo, nidaamkuna isku dhex yaaco, shey kastaa waa suurtagel. Ilmaha yari wuxuu noqonayaa argagixiso, sabobta oo ah waa Palestiini! Hooyada gurigeeda iska fadhidaa waa argagixiso, maxaa yeelay waxa ay dhashay ilmo madax adeg( Caaq). [Arrintaasi] nidaamka dawladeed iyo qofkii diin garanayaba─ damiirkoodu ma aqbalayo. Waayo, waxa ay diiddeen in suuqa la isku addoonsado. Fekeraaga caqligiisa maaley ─ee qalinkiisu canbaareeyo Jiitaannimada; waxa ay odhanayaan: waa argagixiso! 

Waxa aan Sitimaannadan akhriyey maqaallo ay qoreen mufakiriin aan Carab aheyn, balse ah rag iskugu jira , Ingiriis, Faransiis, maraykan, iyo kanadiyiin. Waan la dhacay waxay ay qoreen; sidey u qoreen, luuqaddaha ay ku qoreen iyo cilmi-baadhista ay sameeyeen. Waxa kale oo aan isku dayey in aan bal eego waxa ay qoreen Carabtu, wax ay qoraan iska daaye waxa ayba ku noolyihiin nolol kale! Kama arag kalmad dareen ah oo ay yidhaahdeen, xiitaa hoggaankoodu waa la mid.

W/Q: SH. CABDIRAXMAAN BASHIIR
W/T: Cabdirisaaq Sandheere Desember, 2017.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?