Posts

Showing posts from March 25, 2018

Taariikhda Reysalwasaaraha Ethiopia: Abiy Axmed Cali

Image
      Abiy Axmed Cali: Raysalwasaaraha Ethiopia; sidoo kale ah guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee (EPRDF). Wuxuu ku dhashey Agaro, Jimma Zone, bishii Ogosto 15, 1976. Wuxuuna ka dhashey qoys kala diin ah, kala af ah─oo kala jinsiyad ah . Aabbihii Axmed Cali waa Oromo Muslim ah; hooyadiina waa Amxaarro Kiristaan ah. Dugsigii hoose, dhexe iyo kii saraba wuxuu ku qaatey Jimma. Markii uu qaangaadhey 1991, wuxuu ku biirey ciidamadii halganka ee ka soo horjeeday Derge Regime. Markii ay rideen kaligiii taliyii waxa uu Tababar Millatari u tagey West Wollega,   Degrii-giisii koowaad wuxuu qaatey 2001, wuxuuna ka Jaamacadda Microlink Information Technology College , oo Addis’ababa ku taalla. Wuxuuna bartey kulliyada Injineernimada Koomiiterka (Computer Engineering).   Sannadkii 2005, wuxuu qaatey shahaadada Posta Graduate, wuxuuna ka qaatey South Afrika. Sannadkii 2011, wuxuu shahaadada heerka labaad (MA) ka qaatey Jaamacadda Greenwich, oo London ku taalla; oo ay wada shaqee

Fahanka Jaceylka Waqtigan

Image
  Jaceylku waqtigan waa dhif iyo naadir. Waxaa jira dad iskugu baaqa jaceyl; oo fallaadha jeceylka dhigey calaamad ka mid ah noloshooda. Kuna suntey meelahooga. Waxayna isweyddaarsadaan weedho ROMANTIC AH, kuna tusinaya noloshooda in uu jiro jaceyl. Jaceylka dhabta ahi waa qalbiga; jaceylka dhalanteedka ahina waa jidhka. Sabobtaas ayuuna ka hore waligii u joogaa; ka danbana jidhka la dhammaadaa. Maxaa ka weyn jaceylkii Suubbanuhu (NNKH) u qabey Khadiija markii uu yidhi: “ Waxa la igu arsaaqay jaceylkeeda.” Jaceylka dhabta ahi waa oofin; ka dhalanteedka ahina sawirasho. Bilistii Khadiija waxa ay Suubbanaha u timid iyada oo weyn, wuxuuna u qaadey jaceyl iyo qaddarin. Caa’isha ayaa Suubbanaha ku tidhi: “Maxaad ugu kacdaa islaantaa weyn (cajuusada)?” Wuxuu ku odhan jirey: “ Maalmo ayaan soo wada marney Khadiija..” Jaceylka dhabta ahi waa xasuuso aan la illaawin; jaceylka dhalanteedka ahina waa mid waqtiga la socda. Suubbanuhu ma illaawi jirin Khadiija; meelkasta wuu xasuusnaan ji