Posts

Showing posts from September 12, 2021

Qalinjabintaydii: Way Timid Maalinteennii 12 Sano Aynu Sugaynay; Laba Xaaladood oo Kala Duwan!!

Image
  Sawirkani waa aniga iyo Hooyaday Layla Axmed. Waa Dorraad ( 12 Sept. 2021) iyo qalinjebintaydii Jaamacadda Cammuud. Muuqaalku waa farxad farxad kale ku lammaan. Halgan nololeed iyo hammi hirgalay ayuu muujinayaa. Waa xaalad gaar ah, qalinka kuma muujin karo dareenka uu gudbinayo. Sawirka iyo turjumaaddiisu waxa ay igu xanxantaynayaan ama i xasuusinayaan maalin aan sii fogayn oo xaalad kale iyo goob kale aannu aniga iyo Hooyaday wada joognay. Waa dhammaadkii sannadkii 2008dii. Waa aniga iyo Hooyaday. Aroor hore ayaannu aqal Soomaaligayagii ka toosnay, laxooxdii ayay dubtay, dhawr xabbo oo qallalan ayaan cunnay. Sacihii aannu shaaha ku caddaysan jirnay ayaan ka maalnay. Aniga iyo hooyo waxaannu u baxaynaa Magaalo, oo qorshuhu wuxuu ahaa aniga in magaalo aroortaas la i geeyo. Dhawr calal oo hun ah ayaan bac yar ku ritay, hooyana way lammaanayd oo gabadh yar ayay xanbaarsanayd. Waannu diyaargarawnay. Waxa aannu tagnay Istaanka caanaha laga qaado ee tuuladayada Qorijabka ( Oogada, Madarka