Posts

Showing posts from April 29, 2018

HEERKA WAXBARASHADA DUGSIYADA EE SOOMAALILAAN

Image
In badan ayaan indhaha la raacraacayay oo aan baadhayay waxbarashoxumada iyo dhillaysiga aqoondugsiyeed ee ka jira waxbarashada Soomaalilan guud ahaan, gaara ahaanna Dugsiyada. Qaayasoor la’aant, qaabdarnaanta iyo liitadashada aqooneed ee ka muuqata waan la yaabay oo waan ka aamusi waayay. Xaalad laga aamusana ma joogto oo waxbarashadii ayaa yaabtay oo dacwoonaysa, waana la faruuray oo waalla dhiigbixiyay. Isaga oo aan dalka meel u fayoobi jirin, haddana shayga koowaad ee xayirmay ee xidhmay lugqudhana ku sii taagani waa aqoonta, haddii ayna kaba salguurin dalka. Eegay… Eegay oo 100 jeer u fiirsaday baadhay oo u dhugyeeshay waxaan ku murmay tolow ma waxbarashaa la dhigtaa mise meeshu waa goobganacsi oo loo shaqo tago?! In ay goobganacsi tahay dhinacna u dhaafin waayay. Oo tolow dadkii dalkan ka naxayay aaway? Iyagaaba horboodaya oo dadka maqaaxiyahan ku soo ootay ayaa meeldheer la iiga sheegay. Oo Wasaaraddii magaca fiicnayd ee Waxbarashada, Tarbiyada iyo Tacliinru aaway? Iyadi