HEERKA WAXBARASHADA DUGSIYADA EE SOOMAALILAAN




In badan ayaan indhaha la raacraacayay oo aan baadhayay waxbarashoxumada iyo dhillaysiga aqoondugsiyeed ee ka jira waxbarashada Soomaalilan guud ahaan, gaara ahaanna Dugsiyada. Qaayasoor la’aant, qaabdarnaanta iyo liitadashada aqooneed ee ka muuqata waan la yaabay oo waan ka aamusi waayay. Xaalad laga aamusana ma joogto oo waxbarashadii ayaa yaabtay oo dacwoonaysa, waana la faruuray oo waalla dhiigbixiyay. Isaga oo aan dalka meel u fayoobi jirin, haddana shayga koowaad ee xayirmay ee xidhmay lugqudhana ku sii taagani waa aqoonta, haddii ayna kaba salguurin dalka. Eegay… Eegay oo 100 jeer u fiirsaday baadhay oo u dhugyeeshay waxaan ku murmay tolow ma waxbarashaa la dhigtaa mise meeshu waa goobganacsi oo loo shaqo tago?! In ay goobganacsi tahay dhinacna u dhaafin waayay. Oo tolow dadkii dalkan ka naxayay aaway? Iyagaaba horboodaya oo dadka maqaaxiyahan ku soo ootay ayaa meeldheer la iiga sheegay. Oo Wasaaraddii magaca fiicnayd ee Waxbarashada, Tarbiyada iyo Tacliinru aaway? Iyadii nimanbaa shaqo abuur looga sameeyay oo xafiis la fadhiyo iyo lacag lagu qaato ayaa magaceedii ka soo hadhay ayaa nin waaya’arag ahi iigu dhawaaqay, wuxuuna raaciyay kumanaan qof ayaa magaceeda guryo ku dhistay haddana ka shaqeeya oo waaba laga taajiraa. Oo dadka Dugsiyada dhigta waalidku mayna ka warhayn? Waalid ka warhayaa way jiraan, kuwaasina way u badheedheen; balse, badankoodu ma oga, ayuu odeygii waaya’aragii isaga oo ilmaya igu yidhi. Oo ummadda maxaa beenta loogu sheegayaa? Qaar badan ayaa oge, yaan dadka shaqada laga jiidhi ayay leeyihiin oo aan sirtoodana la fahmin ayuu iigu sii daray. Waxaa iiga soo baxdey: waxbarasho ma jirto waana la is dhiigmiirtaa!

Wixii ka dambeeyey 1990-kii, aqoontii iyo waxbarashaddiiba waa laga maadsadey ‘ciyaaray’. Gebigeeddiina waxaa loo rogey dhinac kale─ halkii ay aheyd in hammi la yeesho ─ hunguribaa lagu baddelay. Waa abaarowga dhacey ka ugu halista badan. Goobihiii waxbarasho waxaa loo furtaa ganacsi e in wax lagu barto lagumana riyoonba. Mana jirto cid maamulasa Dugsiyadan midba maalin xadhiga laga jarayo ee tukaannada noqdey! Haddana aad beyba usoo bateen, suuqooduna wuu shaqeeyaa! Maynna wasaarad Waxbarasho jirin? Haa. Oo maxay qabataa oo ay mushaharka u qaadataa? Mooyi. Taa waxaa igaga daran lacagtii ‘fiida’ ee Dugsiga oo badatay…badatey, in mag leegna gaadhaysa! Ma waxaad aragtey Dugsi hoose oo lagu dhigto $50 ? Kaba yaree $ 40? Haa. Oo kuwo bilaash ahi ma jiraan? May. Marka laga reebo qaarqaar aan dhaafsiisneyn labo ama saddex ayaa jira, iyaguna waxa ay ku jac dhigeen, ardeyda bishii ayaa laga qaadaa lacag gaadhaysa $2 ama $3 oo lagu yidhaa qalinka iyo masaxaaddaa lagu soo iibinayaa! Waayahay. Dugsiyada noocan ahi waxaa la is kaga jeediyaa shicibka oo waaba mashruuc ay Wasaaraddu degtay, xarumaha gobolloda iyo degmooyinkana ka dhaadhicisey! Oo markaana? Markuu Wasiirka Waxbarashadu u tego shicibka gobollada ama degmooyinka ayuu ku afgobaadsadaa oo uu ku botoriyaa (Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliintu waxa ay idiin furtey intaa iyo intaa oo dugsi oo bilaash ah, wax lacagana carruurtiinna lagama qaado. Wasaarraddu miyeyna wax idiin qaban markaa?! Haa mudane Wasiir, guddoomiye! Kuwo kalana way idiin qaban doontaa. Waayahay.) Hadallada noocaas ah iyo kuwo kalaba waxa ay ka yihiin dibbirro dhacsi, oo waayo? Ma intanaa qaldan? May, ma qaladana e wuu shaqeysanayaa Wasiirku si uunna shacabku ugu gadoodin amaba dawladdu u caydhin (Eryin). Dugsiyadaa uu leeyahay waan idiin furney ee uu waxqabad ka dhiganayo waa dhiigmiirato carruurtii yareyd biriiggoogii lagaga qaadanyo oo la leeyahay qalin baan idiinku soo iibinaynaa! Ta kale muxuu dhaamaa Dugsiyada lacagta la bixiyo, intay doontaba ha leekaatee/le’ekaatee?! Meesha waxaa fadhiid noqotey shaqaddiina gabtay qalfoofkan Wasaarad ku sheegga ah wasaaradda waxbarashada. Waa magac aan waxqabad laheyn! Guradana ka quruxbadan oo hoostana ka holcayso dhiiggii maatida iyo danyartu.

Ta kale ma jiro manhaj aqoonay oo wax lagu bartaa, mid aan caalam kula tartanno haba igu soo hadal qaadine! Manhajku waa mid gacan’ku’rimis ah oo aan adduunka meelna ka shaqeyn. Midda kale, ee taa ka darani waxaa weeyi Dugsiyaddu isku mid maaha oo sidii tukaannnada oo midba wuxuu doonuu dhigaa! Saw tukaanka maad arag? Midi bariis iyo baasto ayuu keenaa ka kalan dhuxushuu iibinaaba, midna hadduu doono buskud ayuu iibiyaa! Dugsiyadu iyagaa awoodda iska leh, waxay doonaanbey diiddaan waxay caashaqaanna way sameeyaan. Waxaa kale oo jirta in heerarka dugsiyaddu aynna midla qaato laheyn ku sare iyo hoose toona. Dhammaantood waxa lagu dhigaa waa huubo. Waayo; ardeyga wixii dugsiga hoose loogu dhigey ayaa lagu soo celinayaa markuu ka sare gaadho! Waaba sidii filim. Ta saxda ahi ee in la hubiyo u baahani waxaa weeyi, bal ka warran ardeygii dugsiga hoose loogu soo dhigey cashir in haddana ka dhexe iyo saraba loogu celinayo?! Ma garbaa? Ma xaqbaa in mar labadaad lacag lagaga qaataa? Ma garbaa in lagu yidhaahdo dugisgii hoose Afsoomaali ayaad kusoo dhigatay imikana Af Ingriis? May, xaq maaha. Waa in aaan ardeyga waqtiga lagaga lumin wuxuu mar hore soo dhigtey─ afkuu doonaba ha ku soo dhigtee. Arrimaha noocan ahi waa kuwa dad badan Dugsiyada in ay daayaan ama ka iskaga hadhaan u sabab ah, qaar kalana waxa ay ku sababaan in ujeedkii waxbarashada ay leexiyaan.

Waxaa jira ardey danyar ah oo aan waxba haysan ama wax buuranba haysan. Cashuur iyo ardaayad baana laga qaadaa. Ma xaqbaa markaa in Wasaarradii dhaneyd ee la doortey in ay ubadka yaryar ee iskugu jira danyarta, agoonta iyo darbi-jiifkaba ay waxbarasho  bilaash ah u sameyn waydo? May. Waxbarashadu waxa ay ka mid tahay waxyaabaha lamadhaafaan ka ah   (Aasaasiyaad) ka ah ee la doonayo in danyarta iyo agoontaba laga haqabtiro. Yaase ogtee? Kuwii loo doortey in ay wax ka qabtaan guryo fooqaq ah ayey dhisteen. Cunto macaanna way cunaan, nolol tii u dambeysana way ku noolyihiin! Gaadhi qurux badan ayey wataan. Markey doonnaana Yurub ama Maraykan ayey u dalxiis tagaan. Carruurtoodiina waxa ay ku noolyihiin waddamo si fiican wax loogu barto. Halka kuwii doortey ( Shicibkii) Waxbasho la’aani qayrkood ka reebtay. Iskadaa in waxbarasho bilaash ah la siiyee iyaga oo lacag bixiya ayeyna waxbaarsho fiican helin.

            XALKU MUXUU YAHAY?
Xalku ma dheero mana dhawa. Haddii aynnu sidan kusii wadno, duruufta jirta iyo dhibbtadana iska indha’tirno ma dhawo, balse haddeynu isdaba qabanno oo aynnu wixii jira indho caafimaad qaba ku eegno  aynannu u dhig yeelanno waxbarashadeenna ma dheera, markanna. Warkoo kooban Wasaaraddan Waxbarashada waxaa loo doortey ee dhidibbada loogu taago waa in ay waxbarashada ilaaliso, wixii lid ku ahna ka hortegto wixii loobaahanyahayna kusoo darto. Waa in ay dadkan waxbarashadii ganacsiga u baddelayna u caqli celisaa. Waxayba aheyd in jeelal lagu guro! Waayo, waa danbiilayaal qaran oo waxbarashadaii ayey ka dhigeen sidii meheradaha. Wasaaraddaasi ayaa awoodda koowaad leh oo wax ka qaban karta marka koowaad.
Waxyaabahan ayaa Wasaaradda laga rabaa:
1-     Waa in ay sameysaa nidaam xaddidaya Dugsiyada iyo goobaha laga furayaba oo aan meel u baahnayn laga furin Dugsi.
2-    Waa in ay iyadu gacanta ku haysaa oo ay ilaalisaa waxbarashada.
3-   Waa in ay ogaataa magaalada ama tuulada u baahan Dugsi waxbarasho iyo kuwa aan ubaahneyn.
4-   Waa in ay ilaalisaa manhajka Dugsiga lagu dhigayo.
5-    Waa in ay waxbaarshada bilaash ka dhigtaa, haddey u suurta gali waydana meelaha danyartu ku noolyihiin uun bilaasha haka dhigto.



Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?