Posts

Showing posts from April 10, 2022

Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an (قلبي اطمأن )ee Qays, Xalqadda 5aad: Riyada qofkasta oo Bini'aadan ah: Guri

Image
  Xalqaddan Qays waxa uu tegayaa Dalka Masar, dalkaas ayuu ka fulinayaa mashruucii khayriga ahaa. Ammintan dadka waxa uu ka caawin doonaa dhibaatada la xidhiidha hoyla'aanta. Waxa jira dad badan oo bilaa hoy ah. Qays, waxa uu leeyahay " gurigu waa hammiga qofkasta oo Bini’aadan ah." Qays waxa uu u tegayaa nin xoogsanaya oo gaadhi dameer jaajuur ku guraya. Ninkii buu salaamayaa. Magaciisa Khaalid baa la yidhaahdaa. Hadalkan ayaa dhexmaraya: - Halkan ayaad ka shaqaysaa saw maaha? - Haa, halkan ayaan ka shaqeeyaa oo warshad Jaajuurka soonsaartaan ka shaqeeyaa. - Illaa goorma? - Illaa waqti dheer. - Waxa la ii sheegay inaad halkan shaqo dheeraad u timaaddid. - Ma waxa aad u baahantahay inaad shaqo adag qabatid. - In alla intii suurtagala. Khaalid, waa oday 53 jir ah. Waxa uu ka shaqeeyaa warshad Jaajuurka samaysa. Guri aan wacnayn ayuu degganyahay. Hadalkii ayay sii wadanayaan Khaalid iyo Qays: - Hadda maad shaqaynaysaa. - Maya, ma awoodo, waan daalay. - Kaalay inyar aynu sha

Xalqadda 4aad:Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an (قلبي اطمأن): Dadka Waxbarashada Awoodi Waayay

Image
  Waa xalqaddii 4aad. Markan Qays waxa uu tegayaa dalka Suudaan. Dadka uu caawinayaana waa dhinaca waxbarashada. Waxa uu tegayaa xaafad, albaabka ayuu garaacayaa. Albaabka waxa ka furaysa haweenay Hooyo ah. Waxa ay ka codsanaysaa inuu soo dhawaado. Hadalladan baa dhexmaraya Qays iyo Hooyada: - Hooyaad tahay miyaa? - Haa, Ummu Usaama ayaan ahay. - Yaa xaafadda biiliya? - Aniga. Waayo, aniga iyo ninkaygii waan kala tagnay! Inankaygii waynaa gacantaa laga toogtay, waana la qalay, ka dibna way jabtay. Alle ayaa mahad leh. Walaashiisa yar ee Amna dugsiga waa laga soo eryay xaalado jira aawadood. Inankayga yar ee kale ee Ibraahin na waa laga soo eryay waxbarashada, kaliya hadda waxa waxbarta inantayda ugu yar. - Ma hal qof kaliya ayaa carruurtaada wax ka barta? - Haa. Hadda Hooyadani waa gabadh qoys dhan ka masuul ah oo biil ka sugayaan, waxba ma haysato, wax dakhli ahina meelna kama soo galaan. 3 ka mid ah carruurteedu waxba ma bartaan. Ka dibna Qays baa Hooyada wayddiinaya " Inay maan

Xalqadda 3aad: Agoomaha Xeryaha Qaxootiga: Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an (قلبي اطمأن )

Image
  Xalqaddan Qays waxa uu u tegayaa carruurta agoomaha ah ee ku nool Xeryaha Qaxootiga. Wiil yar oo teendhooyin ag jooga ayuu u tegayaa. Magaciisa waxa la yidhaahdaa Cawaad. Qays waxa uu sidaa Kartoon wayn. Hadalkan baa dhexmaraya: Qays: Cawaadoow, waxa la ii sheegay inaad u baahantahay oo raadinaysid cunto? Saw sidaa maaha?" Cawaad: Haa. Qays: Cunto ma heshaa mise ma heshid? Cawaad: ma helo, dadka ayaa waxoogaa yar isiiya. Qays: Ma waxay ku siiyaan Roodhi? Cawaad: Haa. Qays: Sax, waxa aan rabaa inaan ku siiyo HADIYAD, waxaa ku jira raashin, waxaana la idiinku keeni doonaa guriga. Sax? Immisa jir baad tahay Cawaadoow? Cawaad: 10 sano jir. Qays: Yaad la nooshahay? Cawaad: Ayayday. Qays: Aabbahaa aaway? Cawaad: Wuu dhintay. Qays: Hooyadaana? Cawaad: Way dhimatay. Qays: Halkay ku dhinteen? Cawaad: Guri baa ku dumay. Qays: Aaway walaalahaa? Cawaad: Way dhinteen. Aniga oo alaabta iyo hadhaaga aqalkayagii dumay ku ciyaaraya ayaan arkay maydka hooyaday iyo aabbahay!! Qays: Hadda yaa kaa m

Macallimiinta Bilaa Mushaharka ah: Xalqadda 2aad: Turjumaadda Barnaamijka (Qalby Etmaan - قلبي اطمأن ) ee Qays

Image
Qays markan waxa uu tagayaa dalka Ciraaq. Waxa uu u dan leeyahay inuu caawiyo Macallimiinta bilaa mushaharka ah ee arday sida lacagla'aanta ah wax ku bara. Waxa uu u tegayaa Muxamad, oo ah Macallin bilaa Mushahar wax ku dhiga. Muxammad waa Aabo qoys ka masuul ah oo maal iyo masruuf laga sugayo, balse wax dakhli ahi ma soo galo. Waxa uu ku noolyahay Xeryaha Qaxootiga. Qays Muxammad ayuu weraysanayaa, Muxammad waxa uu sheegayaa xaaladdiisa dhabta ah iyo duruufta uu ku noolyahay, waxa uu xusayaa inuu yahay Aabbo carruur leh, oo aan wax dakhli ahi soo gelin. Uuna yahay Macallin lacagla'aan ardayda wax ku bara. Qays baa wayddiinaya " Shaqadan intee in leeg ayaad waddaa, oo ardayda lacagla'aan wax ku baraysay?" Muxammad waxa uu sheegayaa inuu muddo 5 sano ah lacagla'aan wax ku dhigayay. Qays baa sii wayddiinaya " Sideed 5 sano lacagla'aan ugu shaqaynaysay?" Muxammad baa ku odhanaya " Hadda maxay kale ee aan qaban lahaaba? Ma jiro wax kale oo aan q

Sookoobidda Barnaamijka ( قلبي اطمأن ) ee Qays: Xalqadda 1aad

Image
Xalqaddan koowaad waxa uu tagayaa dalka Urdun. Wuxuu markiiba Qays la kulmay nin xooggiisa maalaya. Ninkani maalin biraha ayuu tumaa, maalinna waxbuu gadaa, maalinna baabuurta ayuu maydhaa. Waa xoogsade kolba dhinacii duruuftu sababtu u rida. Magaciisa waxa la yidhaahdaa Bilaal, mushahar yar ayuu qaataa, saddex qof oo uu dhalay ayaa Jaamacadda ugu jira! Dayn ayaa lagu leeyahay. Ninkaasi meel laabeejo ah ayuu markan joogaa, Qays baa u tagaya ka dibna ku odhanaya " Maxaad qabataa?' Ninkii baa odhanaya " Baabuurta ayaan maydhaa, waxaanan qabtaa shaqooyinka dhaqidda baabuurta IWM. Had iyo jeer waar werwersanahay oo walaac baa I haya. Noloshana Alle kaliya ayaa na caawiya. Dadka oo dhanna caqabado ayay wajahayaan oo dhibaato ayaa haysata." Qay wuxuu ka dalbayaa inuu gaadhiga u maydho, welibana waxa uu u tilmaamayaa sida uu ugu maydhayo. Ninkii ayaa gaadhigii dhammaynaya. Qays ayaa ka codsanaya inay wada sheekaystaan oo waxoogaa wada hadlaan, wuu ka aqbalayaa oo way isxaal

Barnaamijka Dunida ka yaabiyay ee Qays iyo Qalbii Idma'an ( قلبي اطمأن )

Image
  Waxa kalkii 5aad socda barnaamij jaadgooni oo dunida aad looga soo dhaweeyay. Barnaamijka magaciisa waxa oa yidhaahdaa " Qalbi Idma'in.' Waxa soo saara Qays oo ah wiil dhallinyaro ah oo aan wejigiisa la arag. Waxa maalgeliyay ururka Bisha Cas ee Imaaraadka. Barnaamijku wuxuu si taxane ah u socdaa sannadkii 5aad. Sannadkasta waxa uu soo baxaa bisha Rabadaan. Halkii kal ama sannad ba waxa uu ka koobanyahay 29 ama 30 xalqadood. Dadka waxa uu ka caawinaya qofkastaa baahida uu qabo. Waxyaabaha uu qofka ka caawiyo waxa ka mid ah: Waxbarashada, caafimaadka, shaqala'aanta, hoyla'aanta, xeryaha qaxootiga dadka ku nool, qof la mastaafuriyay oo aan dalkiisii joogin, agoomaha, macallimiinta bilaa mushaharka ah IWM. Barnaamijku waxa uu u dhacayaa qaab ah in Qays soconayo oo dal tagayo, ka dib dalkaas uu ka raadinayo qof baahan oo waxyaabo badan tebaya. Isagu wejiga wax buu ku xidhanyahay oo wuu dadanyahay, lamana garanayo. Qof meel meherad yar ku haysta, qof gaadhi maydhaya,

Safiya Bintu Cabdimuddalib: Nebiga Eddadii: Taariikhda Haweenkii Saxaabiyaatkii Nebi Muxammed SCW Xalqaddii 3

Image
Arrintaasi waa maqifkii Safiya maalintii dagaalkii Uxud. Mawqifka Safiya ee dagaalkii Khandaqna miyaa? Waxa ay leedahay qiso cajiiba oo caqli badnaan iyo maanfurnaani ka buuxdo. Iga guddoon hannaanka ay u soo gudbiyaan kutubta taariikhdu. Dhaqankii Nebi Muxammad SCW waxa ka mid ahaa marka uu dagaal galayo dumarka iyo carruurta ayuu dhufaysyada kaga sii tagi jiray, waayo waxa uu ka baqan jiray in magaalada loo daba maro iyada oo ay maqanyihiin raggii. Maalintii Khandaq haweenkiisii, eddadii, iyo kooxo kale oo haweenka Muslimiinta ka mid ah waxa uu geeyay dhufayska Xasaan Binu Saabit aabbihii ka dhaxlay, wuxuuna ka mid ahaa dhufaysyada magaalada Madiina ugu adag. Markii Muslimiintii isku wareejiyeen hareerihii godka ee Quraysh iyo xulafadoodii ka hortimid, waxa ay ku mashquuleen dumarkii iyo carruurta. Safiya, ayaa aragtay wax dhaqdhaqaaqaya oo meel ka muuqda, dhegaha ayay u taagtay, oo indhahana way ku fiirisay- waaba Yahuudi dhufayska yimid, oo basaasayay Muslimiinta, oo rabay inuu war

Safiya Bintu Cabdimuddalib: Nebiga Eddadii: Taariikhda Haweenkii Saxaabiyaatkii Nebi Muxammed SCW: Xalqaddii 2

Image
Safiya, garoonnadii Jihaadka doorar badan oo waxku’ool ah ayay ku lahayd, oo taariikhdu way xustay, haddaba maalmahaas adkaa ee jihaadka lagu jiray kaalinta ay Safiya kaga jirtay laba dhacdo oo waawayn aynu soo qaadanno: Dhacdadii maalintii Uxud, iyo dhacdadii maalintii Khandaq. Dagaalkii Uxud, Safiyay waxa ay raacday koox Ciidamadii Muslimiinta ka mid ah, iyada oo rabta inay jidka Alle u jihaadaan. Safiya biyaha ayay dhaaminaysay, dadka harraada ama ooma ayay waraabinaysay, leebka iyo qaansada ayay u hagaajin jirtay, kana caawin jirtay. Sidoo kale, ujeeddo wayn ayay u haysay, oo dagaalka oo dhan ba dareennadeeda ayay ku guubaabin jirtay. Waxa cajiib ahayd inay saaxadda la joogeen inankii walaalkeed dhalay ee Muxammad SCW- Rasuulkii Alle; Walaalkeed Xamse Binu Cabdilmuddalib- Libaaxii Ilaahay; iyo inankeedii Subayr Binu Cawaam, oo ka mid ahaa dadka Nebiga ugu dhawdhaw. Markii ay aragtay in Muslimiintii ay ku dhawyihiin inay kala firdhadaan oo inyar Nebiga ku soo hadhayso, gaaladiina ay

Qisada Safiya Bintu Cabdilmuddalab: Haweenkii Saxaabiyaadkii Nebiga SCW

Image
  Xalqaddii 1aad Magaceeda oo dhammaystiran waa Safiya Bintu Cabdilmuddalab Al Haashimiya, oo reer Quraysheed ahayd. Waxa ay ahayd Nebi Muxammad Eddadii, oo Aabbihii Cabdillaahi ayay walaalo ahaayeen. Safiya, waxa ay ahayd gabadhii ugu horraysay ee Muslina ee gaal u dishay iyada oo Diinta Alle difaacaysa. Waxa ay ka mid ahayd haweenkii u horreeyay ee Diinta hore u rumeeyay. Safiya, waxa ay ahayd gabadh dad nasaba ka soo jeedda, oo dhinaca aad eegtaba dad xula ayay ka beerantay: Aabbaheed, waxa uu ahaa Cabdilmuddalab Binu Haashim. Cabdilmuddalab oo ahaa Awawgii Nebiga SCW, hoggaamiyihii Qureysh iyo Sayidkoodii ay addeeci jireen. Hooyadeedna waxa ay ahayd Haala Bintu Wahab, oo ay walaalo ahaayeen Nebiga hooyadii Aamina Bintu Wahab. Ninkeedii u horreeyay ee ay guursataa waxa uu ahaa Xaaris Binu Xarbi oo ay walaalo ahaayeen Abii Sufyaan Binu Xarbi oo ahaa hoggaamiyihii reer Banii Ummaya, ninkaasina wuu ka dhintay AHUN. Markii ninkeedii dhintay ninkii labaad ee ay guursatay waxa uu ahaa Al