Qisada Safiya Bintu Cabdilmuddalab: Haweenkii Saxaabiyaadkii Nebiga SCW


 

Xalqaddii 1aad
Magaceeda oo dhammaystiran waa Safiya Bintu Cabdilmuddalab Al Haashimiya, oo reer Quraysheed ahayd. Waxa ay ahayd Nebi Muxammad Eddadii, oo Aabbihii Cabdillaahi ayay walaalo ahaayeen.
Safiya, waxa ay ahayd gabadhii ugu horraysay ee Muslina ee gaal u dishay iyada oo Diinta Alle difaacaysa.
Waxa ay ka mid ahayd haweenkii u horreeyay ee Diinta hore u rumeeyay.
Safiya, waxa ay ahayd gabadh dad nasaba ka soo jeedda, oo dhinaca aad eegtaba dad xula ayay ka beerantay:
Aabbaheed, waxa uu ahaa Cabdilmuddalab Binu Haashim. Cabdilmuddalab oo ahaa Awawgii Nebiga SCW, hoggaamiyihii Qureysh iyo Sayidkoodii ay addeeci jireen.
Hooyadeedna waxa ay ahayd Haala Bintu Wahab, oo ay walaalo ahaayeen Nebiga hooyadii Aamina Bintu Wahab.
Ninkeedii u horreeyay ee ay guursataa waxa uu ahaa Xaaris Binu Xarbi oo ay walaalo ahaayeen Abii Sufyaan Binu Xarbi oo ahaa hoggaamiyihii reer Banii Ummaya, ninkaasina wuu ka dhintay AHUN.
Markii ninkeedii dhintay ninkii labaad ee ay guursatay waxa uu ahaa Al Cawaam Ibnu Khuwaylid oo ay walaalo ahaayeen Khadiija Bintu Khuwaylid oo ahayd hablihii Quraysh hoggaamin jiray waqtigii jaahiliga, ahaydna hooyadii ugu horraysay ee Muslimiinta iyo xaaskii Nebi Muxammad SCW.
Safiya waxa ay dhashay oo inankeedii ahaa Subayr Binu Cawaam oo ka mid ahaa dadkii Nebi Muxammad SCW ugu dhadhawaa.
Waxa ay ahayd gabadh sidaas oo dhan u ballaadhan, oo dhinaca aad ka eegtid dad nasaba ku abtirsata.
Safiya ninkeedii Al Cawaam Ibnu Khuwaylid ayaa geeriyooday, wuxuuna uga tagay oo ka dhintay ilmo yar oo la odhan jiray ‘ Subayr.’ Ilmihii yaraa ee Subayr ayay nolol adag ku korisay, oo duruuf adag kala dabbaalatay. Waxayna ku barbaarisay fardafuulnimo iyo dagaal. Ciyaartiisana waxa ay ka dhigtay inuu leebka ku ciyaaro. Waxayna isku dayday inay gebi ahaan ba wax cabsi la yidhaahdo ka saarto.
Markii Nebiga uu Alle soo diray, ee Diinta xaqa iyo hanuunka ah u soo dhiibay, misana uu ahaa qof bishaaraynaya oo digaya, ee la amray inuu dacwadda ka bilaabo qaraabadiisa reer banii Cabdilmuddalab ( dumarkooda, raggooda, cirroolaha iyo carruurba), Nebigu wuu la hadlay, wuxuuna ku yidhi: “ Faadumo Bintu Muxammadeey, Safiya Bintu Cabdilmuddalabeey, awlaaddii ilma Cabdilmuddalabeey, anigu Alle agtiisa waxba idiinka tari kari mayo.’
Intaas ka dib in Alle rumeeyaan ayuu ugu yeedhay, wuxuuna kula dadaalay oo ku dhiirrigeliyay inay rumeeyaan farriinta uu sido.
Haddaba markii uu dadkii u wada yeedhay, dadkii waxa ay noqdeen kuwo aqbalay oo yeelay iftiinkii xagga Alle ka yimid, iyo kuwo diiday iftiinka. Safiya, waxa ay ka mid ahayd dadkii ugu horreeyay ee rumeeyay sida tooska ahna u qaatay Diinta. Intaas ka dib Safiya waxa ay kulansatay dhinacyadii sharafta: Marka hore nasab kaamila ayay ka soo jeeddana, immikana waxa ugu biiray sharaftii Islaamka.
Safiya iyo inankeedii Subayr ba Diinta ayay qaateen, waxayna muslimiinta ka kaalmaysay dhibaatadii ay Quraysh soo gaadhsiisay Diinta, iyo xadgudubkeedii hore.
Markii Alle Nebigiisa iyo Muuminiintii rumaysay u oggolaaday inay u hijroon karaan magaalada Madiina, Sayidaddan Safiya xasuus baa qaadday oo aad bay u xasuusanaysay Maka, waxayna wejigeedii u jeedisay oo u kacday dhinaca Madiina iyada oo Diinta Alle darteed iyo Rasuulkiisa u hijroonaysa.
Marka laga yimaaddo in sayidaddani wayni inay da’deedu lixdan sanka la sii galaysay, haddana waxbadan bay Diinta u gargaartay.
Safiya, garoonnadii Jihaadka doorar badan oo waxku’ool ah ayay ku lahayd, oo taariikhdu way xustay, haddaba maalmahaas adkaa ee jihaadka lagu jiray kaalinta ay Safiya kaga jirtay laba dhacdo oo waawayn aynu soo qaadanno: Dhacdadii maalintii Uxud, iyo dhacdadii maalintii Khandaq.
La soco qaybta 4aad.
Asxaabtaada la si wadaag ( Share it)

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?