Haddii aad ku jirto da’dii Labaataneeyada…

 



Da’da labaataneedu waa da’aadda qofku waxbadan seego, ee arrimo badan hareer maro. Waa xilliga uu qofku ugu tamar iyo awood badanyahay. Waa muhiim in uu qofku habraac iyo hagid helo.

Haddaba haddii aanad gaadhin labaatan jir ama aad ku jirtaba talooyinkani waa kuu muhiim:

1-     Yeelo jadwal hurdo oo joogto ah oo 24kii saac ugu yaraan 8 saacadood, hurdada wanaagsan ee jidhku helaa waxa ay leedahay waxoosaar wanaagsan.

2-   Caado ka dhigo in aad maalintii ugu yaraan 20 daqiiqo wax akhridid.

3-   Talo ha bixin adiga oo noloshaadu kala daadsantahay, shiid ah, aan waxba kuu saxnayn, horta noloshaada maaree.

4-   Jooji in aad si bilaa macni ah u isticmaasho baraha bulshada, u isticmal qaab ujeeddaysan oo wax ka faa’id ama wax ku qor.

5-    Si kasta oo noloshaadu tahay ha dayn jimicsiga, oo maalinkasta jimicso, waayo Waa mid ka mid ah hababka ugu wanaagsan ee lagu daryeelo caafimaadka maskaxda iyo jidhka.

6-   Guushu waa wax la is qaadsiiyo. Ku hareeree naftaada dadka riyooyinka waaweyn leh. Naftaada ku hareeree dadka fekradaha waawayn xanbaarsan, kuwaas oo maskaxdooda ku arka fursadaha iyo suurtagalnimada.

7-    Qaad masuuliyadda noloshaada 100%, oo cidna ha ku hallayn- noloshaada ha ku canaanan waalidkaa, duruufaha iyo wax kale toona.

8-   Waxa aad yeelataa qof khabiira oo talooyin ku siiya( mentor) oo baro xirfad awood u leh inay kordhiso dakhligaaga billaha ah. Taasi waxay si weyn u kordhin kartaa fursaddaada guusha.

9-   Dabeecadda saaxiib dhaw ka dhigo. Maalin kasta ugu yaraan 30 daqiiqo soco. Ku socodka qorraxdu wuxuu kaa caawin karaa inaad maskaxda dejiso, niyaddaada wanaajiso, isla markaana kordhiso hal-abuurkaaga.

10-           Cuntadaada 70% ka dhig Barotiinno, borotiinku wuxuu kaa caawinayaa jidhka iyo maskaxda inay is’dayactiraan, dhismaan, oo xoog yeeshaan.

11-  Fahan in xirfaddu ay 10 jeer ka qiimo badan tahay dhibcaha/heerarka aad waxbarashada ka hesho. Baro xirfad dakhli sare leh si ay kaaga caawiso inaad xalliso dhibaatooyinkaaga dhaqaale.

12-           Ka fogow dadka mar walba baahidooda iyo danahooda ka hormariya kuwaaga- adiga oo aan eegin doorka ay noloshaada kaga jiraan. Dadka noocaas ahi waxa ay noqon karaan caqabadda ugu weyn ee kaa hor istaagta guusha.

13-           Haddii aad dhab ka tahay horumarkaaga, u tixgeli waxyaabaha ku soo baxa barahaaga bulshada sidii in mustaqbalkaagu ku xidhan yahay.

 

Cabdirisaaq Rashiid Aw Maxamed ( Sandheere)

13 Sept. 2026

 

 

 

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

15 XEER EE NIN RAGEEDKA

Muhiimadda Shaqada

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay