15 XEER EE NIN RAGEEDKA
1- Isma dhiibaan: Ninkasta waxa soo wajaha dhibaatooyin waawayn, caqabado iyo diidmooyin badan oo in loo diido wuxuu danaynayay. Haddaba waxyaabaha ninka adag ka sooca ninka jilicsanta ah wax aka mid ah adkaysiga. Hore u soco si kasta oo aad u dhaawacantid.
2- Dareennadaada xakamee: Cadhada, masayrka, iyo cabsidu ba waa wax dabiici ah, balse ha u oggolaan inay ku maamulaan. Ninka aan xakameyn karin dareenkiisa, dadka kale ayaa mar walba maamuli doona.
3- Ballankaaga ka dhig mid la isku halayn karo: Haddii aad wax sheegtid in aad qabanaysid, fadlan qabo. Erayadaadu waa sharaf. Haddii aadan lahayn joogteyn iyo daacadnimo, waxaad noqonaysaa qof kale oo hadla uun, balse aan waxba fulin.
4- Noqo qof awood leh, balse anshax iyo xakamayn leh: Nin daciif ahi khatar ma aha. Nin aan taxaddar lahayn waa musiibo sugaysa inay dhacdo. Awoodda dhabta ahi waxay ku jirtaa is-xakamayn. Ogoow in aad awooddo, balse waa in aad adigu doorataa waqtiga.
5- Qorshahaaga ka dhig mudnaanta koowaad oo horraysii: Cayrsashada dumarka iyo raaddinta oggolaanshahoodu waa dabin, marka hore dhis aasaaska noloshaada, boqortooyadaada ( ganacsi, sumcad, hanti) iyo ujeeddadaada. Haddii aad diirada saarto dhisidda naftaada, hadafkaaga, iyo waxyaabaha muhiimka ah- dadka saxda ah iyo fursadaha saxda ah si dabiici ah bay kuu soo raaci doonaan.
6- Jidhkaaga u tababar sida dagaalyahan oo kale: Jidhka xooggan wuxuu dhisaa maskax xooggan. Ku tababbar jidhkaaga si aad u hesho xoog, adkaysi, iyo awood. Ma ogid goorta noloshu ku tijaabin doonto. Is diyaari maanta, si aad u adkaysato berry.
7- Maskaxdaada xakamee oo maamul: Xaqiiqada noloshaada waxaa qaabeeya fekerradaada.
Haddii aadan maskaxdaada xakamayn karin, adduunka ayaa kuu xakamayn doonta.
Anshaxu gudaha ayuu ka bilaabmaa.
8- Hadalkaagu ha yaraado, ficilkaagna ha bato: Ragga daciifka ahi waxa ay qiimahooda ku caddeeyaan hadal; halka ragga xooggani ay isku dayaan natiijooyinkooda inay u hadlaan.
Aamusnaantu waa mid muhiim ah marka ficilkaagu ku qeexayo.
9- Ha ka dhigin dumarka ujeeddaada koowaad: Jeclaw oo ixtiraam haweenka, laakiin ha ka dhigin xarunta aad ku wareegto. Himilooyinkaaga ayaa mudnaanta koowaad leh. Haweeneyda saxda ahi way ku garab istaagi doontaa, balse ma hor istaagi doonto oo caqabad kuma noqon doonto aragtidaada.
10- U socod si ujeeddo leh: Erey kasta, ficil kasta, iyo go’aan kasta waa inaad ka yeelatid ujeeddo. U noolow si ula kac ah, ha u noolaan si iska dhac ah ama kedis ah. Ninka jihada leh si fudud looma ruxi karo.
11- Naftaada ka agdhawee ragga xooggan ( Dadka leh kartida, aqoonta iyo anshaxa): Dadka kugu hareeraysan waxay qeexaan heerkaaga. La joog rag ku dhiirrigeliya, kugu haga, oo kugu xisaabiya ficilladaada. Walaaltinimada waxay dhistaa weynaan.
12- Naftaada ixtiraam marka hore: Haddii aad dulqaadato ixtiraam-darro adiga ayaa sababay in aan lagu ixtiraamin. Yeelo xuduudo cad oo ku dhaqan. Ninka naftiisa ixtiraama wuxuu dadka bara sida uu u baahanyahay in loola dhaqmo.
13- Ha ka baqin xaaladaha adag: Horumarka dhabta ah kama yimaaddo raaxadaada caadiga ah. Xanuunka, dhibaatada, guuldarrada iyo caqabadkastaa waxa ay xoojiyaan kartida qofka. Haddii aad rabto horumar dhab ah, waa inaad raadsataa raaxo-darro, sababtoo ah halkaas ayay xoogga iyo garaadku ku jiraa.
14- Noqo qof deggan marka dhibaato wayni dhacdo: Marka dhibaato dhacdo, ragga daciifka ahi way ku jahwareeraan oo way ka leexdaan jidkooda. Isdeji oo qiimee dhibaatada, oo xakamee waxa dhacaya. Degganaanta xaaladda culus waxa ay tahay awood dhab ah. Degganaanta iyo xakameynta naftaada waa astaanta ragga xooggan; waxay kuu oggolaaneysaa inaad ka adkaato xaalad kasta.
W/Q: Unknown.
Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere
15 Febr. 2026
Comments
Post a Comment