Posts

Showing posts from August 15, 2021

Sheeko: Faa'idada Ganacsiga

Image
 " Dadku waxa ay iga soo qaadi jireen ama i moodayeen in aan ahay doqon markii aan furay Bakhaarkayga. Khibrad ganacsi oo hore ma lahayn; waxa aan hore PhD ugu qaatay aqoonta Kimisteriga. Waqtigaas na dalka Jaynaya si rasmiya ayaa looga mamnuucay ganacsiga, oo may jirin Bakhaarro alaabta Jaynaha lagu iibiyaa, xataa magaalooyinka Jaynaha kamay jirin. Balse, anigu waxa aan ahaa cabqari.  Waxa aan ka fekeray oo iswayddiiyay: ' Waxa macquula inaan fududayn karo in labada dal isku xidhmaan oo labadaas dal isku xidho haddii aan Jaynaha ka ganacsado—xataa ganacsigaasi ha ahaado mid aad u yar, si tartiib tartiib ah ayuu u kori doonaa oo u bullaali doonaa' Farsamo ahaan wuxuu ahaa Koontarabaan. Haddii aad Kanada Wakaaladaha xuduudaha u qaabilsan qofku waxyar u tuuro, cid diidani ma jirto. Bakhaarka waxa aan ku magac ku magacaabay " Pearl River", magacaas oo ah magaca Webiga ugu wayn Gobolka Canton.  Waxa aan rabay in aan Tahriibayaashii Jayniiska ahaa jeclaysiiyo dalkooda