Sheeko: Faa'idada Ganacsiga



 " Dadku waxa ay iga soo qaadi jireen ama i moodayeen in aan ahay doqon markii aan furay Bakhaarkayga. Khibrad ganacsi oo hore ma lahayn; waxa aan hore PhD ugu qaatay aqoonta Kimisteriga. Waqtigaas na dalka Jaynaya si rasmiya ayaa looga mamnuucay ganacsiga, oo may jirin Bakhaarro alaabta Jaynaha lagu iibiyaa, xataa magaalooyinka Jaynaha kamay jirin. Balse, anigu waxa aan ahaa cabqari. 

Waxa aan ka fekeray oo iswayddiiyay: ' Waxa macquula inaan fududayn karo in labada dal isku xidhmaan oo labadaas dal isku xidho haddii aan Jaynaha ka ganacsado—xataa ganacsigaasi ha ahaado mid aad u yar, si tartiib tartiib ah ayuu u kori doonaa oo u bullaali doonaa' Farsamo ahaan wuxuu ahaa Koontarabaan. Haddii aad Kanada Wakaaladaha xuduudaha u qaabilsan qofku waxyar u tuuro, cid diidani ma jirto. Bakhaarka waxa aan ku magac ku magacaabay " Pearl River", magacaas oo ah magaca Webiga ugu wayn Gobolka Canton. 

Waxa aan rabay in aan Tahriibayaashii Jayniiska ahaa jeclaysiiyo dalkooda; waxaanan isdareensiiyay ' in aan qofna karhi doonin ama nici doonin Webi.' Daaqadaha ( Shelves ka) Bakhaarka waxa aan ku raseeyay waxsoosaar ama alaab ayna tahriibayaashu arag 20 sano! Alaabtaasi waa tii ay arki jireen ciyaalnimadoodii, waxaana ugu danbaysay waqtigii ay ciyaalka ahaayeen: soy sauce kii ay jeclaayeen, iyo Shaahii ay jeclaayeen. 



Shaykasta oo aan Daaqadaha dhigaa maalintii aan dhigay maalinta ku xigta ma gaadhi jirin, wuu dhammaan jiray. Waxa aan ahaa qof wax bilaabay oo nasiib leh. Waqti ku habboon ayaan meel ku habboon imid. Waqtigani waxa uu ahaa bilowgii Tobataneeyadii—waqtigii Vietnam ka iyo ardaydii Maraykanku ay noqdeen dadkii ka horyimid dagaalladii iyo dhaqdhaqaaqyadii. Kambaska Jaamacadda Harvard ayaan tagay, oo waxa aan geeyay Suudhadh ama Iskujoogyo iyo boodhadh ama waraaqo ay ku sawiranyihiin siyaasiyiin; dhammaana waa la iga wada iibsaday. 


Hay'adda Dabagalka Maraykanka FBI da ayaa marar badan i waraysatay; waxayna marar badan iiga shakiyeen inaan ahay wakiil Shuuciya, waxayna i wayddiiyeen: " Maxaad u bilowday bakhaarka sidan oo kale ah?" Balse, waxa aan u sheegay in aan rabo in DADKU waxbadan ka ogaadaan ama ka bartaan Jaynaha. Farshaxanku maaha kaliya habka kaliya ee lagu fahmi karo dhaqannada; balse sidoo kale ganacsiguna qayb laxaad leh ayuu ka qaataa. Waxa laga yaabaa in macmiil Shelves ka ka soo qabsado shaah, dabadeedna aan u sharraxo taariikhda shaahu ku leeyahay Jaynaha. 


Ama waxa laga yaabaa in macmiilku soo qabto dawo dhaqameedda la dhaho Pei Pa Koa, dawa dhaqameeddan oo la soo saaray boqollaal sano ka hor, waxaa laga helaa kaliya dhir ka baxda dalka Jayna, oo waxaa laga sameeyaa xididdada iyo midhaha dhirta dalkaas. 

Waxa macquul ah in tani macmiilka ku sababto ama ku dhaliso faduulnimo. Waxa macquul ah in tani macmiilka ay kaga tagto wayddiin. Waxa macquul ah inay ku dhiirrigeliso inay waxbadan ka bartaan dhaqanka Jaynaha. Taasina waa sababta ganacsigu u noqday qayb wayn oo ka mid ah nabadda. Waxsoosaarkastaa waxa ay leedahay sheeko. Waxsoosaarkastaana waa fursad xidhiidho lagu samayn karo." 


W/Q:  Humans of New York

W/T: Cabdirasaaq Sandheere

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?