Posts

Showing posts from March 24, 2019

Dhiil

                                                     Dhiil, waa sheyga caanaha lagu lulo. Waxa laga qoraa Ubbo. Ubbadu geedbay ka baxdaa. Inyar oo naqan ayay marka koowaad tahay, oo waa sidii shey dhashay oo kale. Way kortaa, oo dabadeed waynaataa oo noqotaa bahashaa way ee caanaha lagu lulo. Ubbadda marka la soo gooye ee inta hoose laga guro ayaa sidii weel oo kale laga dhigaa. Marka banneeyo ee la diyaariyo waalla qoraa oo afka ayaa laga hagaajiyaa. Marka afka la habeeyo, waxaa afka loo sameeyaa fur yar oo xagga hore maydhax lagaga xidhay oo le’eg. Markan intaa la sameeyo, waxaa loo sameeyaa shey ulo geed laga sameeyay, oo la isku taxay. Waxaanna la yidhaa ‘ Saab.’ Saabku waa waxa ay ubbadii yarayd ku jirto. Ubbadii iyo saabkiiba magac ayay qaadanayaan ah ‘ Dhiil.’ Marka koowaad caano lis ah ayaa lasoo qaadaa oo inta meel la dhigo la daayaa in ay yara fadhiisanaayaan. Marka ay fadhiistaan ee ay gadhoodh noqdaan ayaa inta dhisha lagu shubo la lulaa. Dhiisha waxa lagu lul