Posts

Showing posts from April 13, 2025

Asxaabigii jacaylka u qaaday Nebi Muxammad SCW

Image
  Anas, isaga oo yar ayay Hooyadii Shahaadataynka (Laa Ilaaha Illalaah, Muxammadu Rasuululaah) u laqintay. Mararka qaar dhegtu wax ay maqashay ayay caashaqdaa, oo aragtidaba way ka horraysaa. Anas, isaga oo aan arag ayuu Nebi Muxammed (NNKH) Jaceyl u qaaday. Anas, Madiina ayuu ku noolaa waqtigaa, Nabi Muxammad na (NNKH) magaalada Maka ayuu ku noolaa. Hijradii Nebi Muxammed ayaa dhacday, oo Nabigu Madiina ayuu u soo hijrooday. Waa hoygii Anas. Anas, jaceyl ayuu sii dareemay markuu maqlay in Nabi Muxammed Madiina imanayo. Carruur iyo cirroolaba waa la soo dhaweeyay Nabi Muxammed. Asxaabtii soo dhawaysay kuwii soo hijrooday waa tii magaca ‘ Ansaar’ loo bixiyay. Anas walow uu yaraa haddana wuu soo dhaweeyay. Markii uu Madiina waxyar joogay Nabi Muxammed (NNKH), ayay Anas Hooyadii Qumaysaa u timid Nabiga iyada oo inankeedii Anas la socdo. Waxa ay ku tidhi: “ Rag iyo dumar laguuma kala hadhin, anigu Inankaygan Anas ayaan kuu wadaa. Kaxayso ha kuu shaqeeyo, oo waxa aad doonto ha kuu qa...