Asxaabigii jacaylka u qaaday Nebi Muxammad SCW

 


Anas, isaga oo yar ayay Hooyadii Shahaadataynka (Laa Ilaaha Illalaah, Muxammadu Rasuululaah) u laqintay. Mararka qaar dhegtu wax ay maqashay ayay caashaqdaa, oo aragtidaba way ka horraysaa. Anas, isaga oo aan arag ayuu Nebi Muxammed (NNKH) Jaceyl u qaaday. Anas, Madiina ayuu ku noolaa waqtigaa, Nabi Muxammad na (NNKH) magaalada Maka ayuu ku noolaa.
Hijradii Nebi Muxammed ayaa dhacday, oo Nabigu Madiina ayuu u soo hijrooday. Waa hoygii Anas. Anas, jaceyl ayuu sii dareemay markuu maqlay in Nabi Muxammed Madiina imanayo. Carruur iyo cirroolaba waa la soo dhaweeyay Nabi Muxammed. Asxaabtii soo dhawaysay kuwii soo hijrooday waa tii magaca ‘ Ansaar’ loo bixiyay. Anas walow uu yaraa haddana wuu soo dhaweeyay.
Markii uu Madiina waxyar joogay Nabi Muxammed (NNKH), ayay Anas Hooyadii Qumaysaa u timid Nabiga iyada oo inankeedii Anas la socdo. Waxa ay ku tidhi: “ Rag iyo dumar laguuma kala hadhin, anigu Inankaygan Anas ayaan kuu wadaa. Kaxayso ha kuu shaqeeyo, oo waxa aad doonto ha kuu qabto.” Nabigu, wuu farxay, Anas ayuu madaxa ugu salaaxay gacantiisii sharafta lahayd.
Anas, waqtigaa uu Nabi Muxammed raacay wuxuu ahaa toban sano jir. Halkaas ayuu madarasaddii Rasuulka (NNKH) kaga biiray. Muddo badan ayuu Diinta ka baranayay, Axaadiisatana ka warinayay. Nabiga illaa intii uu dhimanayay wuu la noolaa. 10 sano markii uu la joogay ayuu Nabigu dhintay (NNKH). Intii uu la noolaa dhaqan wanaagsan ayuu kala kulmay.

Anas, wuxuu ka sheekeeyay qiso isaga iyo Nabi Muxammed (NNKH) dhexmartay. Wuxuu sheegay in maalin Nabigu meel u diray. Dabadeedna, uu arkay carruur ciyaaraysa. Wuu yaraa, oo waqtiga ay carruurtu yaryihiin ciyaarta ayay jecelyihiine Anas carruutii ayuu ku leexday oo ciyaartii ayuu la bilaabay. Markii ciyaartu dhammaatay, ayuu arkay nin dabataagan. Wuu eegay, waaba Rasuulkii (NNKH) oo dhoollacaddaynaya. Nabiga ayaa ku yidhi: “Anasyaroow, ma tagtay meeshaan kuu diray?” Markaasuu Anas yidhi: ‘ Haa. Hadda ayaan tegayaa.”
Anas, wuxuu yidhi: “Wallaahi baan ku dhaartee, 10 sano ayaan Nabi Muxammed (NNKH) u shaqaynayay. Wax aan sameeyay ima odhan maxaad u samaysay. Waxa aan samayn waayayna ima odhan maxaad u samayn wayday.” Dhaqan wanaagsan, oo ixtiraam, iyo jaceyl ku dheehanyahay ayuu Nabigu (NNKH) lahaa.
Wuxuu ku dadaali jiray inuu Nabiga ka qaato wixii uu amray, wixii uu ka reebayna inuu ka tago. Wuxuu Anas, yidhi: “ Laba maalmood ayaan aad u xasuustaa Nabiga. Waa: maalintii aan la kulmay iyo maalintii uu geeriyooday.” Maalinta uu la kulmay markuu xasuusto wuu farxijiray, oo waa maalintii ugu horraysay ee uu arko qofkii uu jeclaa. Halka maalinta uu dhintay Nabi Muxammed marka uu Anas xasuusto uu murugoonjiray oo ooyi jiray.
Nabigu (NNKH) wuu u duceeyay Anas, oo wuxuu yidhi: “ Allow, ku arsaaq xoolo iyo carruur, una barakee.” Alle, wuu u aqbalay ducaadaa, oo Anas wuxuu ka mid noqday Ansaartii kuwii ugu hantida badnaa. Carruur badanna wuu dhalay, oo waxaa la sheegaa in carruurtii uu dhalay, kuway sii dhaleen ay illaa 100 gaadheen. Da’dana Alle wuu u barakeeyay, oo wuxuu gaadhay 100 sano jir.
Markii uu dhimanayay, wuxuu dardaarmay in Shahaadada loo laqimo, Nabiga agtiisana lagu aaso. Ballantii waa loo fuliyay. Sidaas ayuu ku geeriyooday Asxaabigii qaaliga ahaa ee aqalka Rasuulka ku soo barbaaray. Anas, Alle haka raalli noqdo.

Xigasho buuga Milicsiga Sooyaalka Asxaabta

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"

Faallada buuga “ UNDERSTANDING YOUR POTENTIAL~ Garo karaankaaga”