Posts

Showing posts from August 4, 2019

Warbixin kooban oo ku saabsan ‘ Bandhiggii Buugaagta Boorama’

Image
Julaay 29, 2019kii Boorama waxaa u baryay waa la wada naawilayay oo ka geddisan kuwii hore u baryi jiray. Waxaa furantay arrin culus oo aad loogu hammuun qabay. Asal ahaan magaaladu waxa weeyi magaalada aqoonta, oo caan ayay ku tahay oo qofkasta oo Boorama maqlaa wuxuu xasuustaa aqoon iyo qalin. Hadda bandhig noocan ah magaalada in marhore laga bilaabo ayay ahayd, may dhicin. Ka Sandheere ahaan, waxa aan qabaa in magaaladu mudnayd in marhore ay madalaha noocan ah ay samaysato, balse ay ka habsaantay, oo gugan 2019ka ay markii ugu horreysay ay hirgashay. Bandhigga waxaa lagu qabtay Hoteelka caanka ah ee Rays Hotel, Boorama. Waxaa qabtay oo barnaamijka hirgelintiisa iyo maalgelintiisa lahayd Al Xikma Foundation. Waxaanna la shaqaynayay dad badan oo dhallinyaro u badan. Gebigaba wuxuu ahaa barnaamij noocaa u qaabaysan oo aan wax siyaasad ah shaqo iyo shuqul toona ku lahayn. Ladhka ama mawduuca sannadkan lagu daahfurey ee la falanqaynayay wuxuu ahaa ‘ Muwaaddinnimada iyo Masuul