Warbixin kooban oo ku saabsan ‘ Bandhiggii Buugaagta Boorama’



Julaay 29, 2019kii Boorama waxaa u baryay waa la wada naawilayay oo ka geddisan kuwii hore u baryi jiray. Waxaa furantay arrin culus oo aad loogu hammuun qabay. Asal ahaan magaaladu waxa weeyi magaalada aqoonta, oo caan ayay ku tahay oo qofkasta oo Boorama maqlaa wuxuu xasuustaa aqoon iyo qalin. Hadda bandhig noocan ah magaalada in marhore laga bilaabo ayay ahayd, may dhicin. Ka Sandheere ahaan, waxa aan qabaa in magaaladu mudnayd in marhore ay madalaha noocan ah ay samaysato, balse ay ka habsaantay, oo gugan 2019ka ay markii ugu horreysay ay hirgashay.
Bandhigga waxaa lagu qabtay Hoteelka caanka ah ee Rays Hotel, Boorama. Waxaa qabtay oo barnaamijka hirgelintiisa iyo maalgelintiisa lahayd Al Xikma Foundation. Waxaanna la shaqaynayay dad badan oo dhallinyaro u badan. Gebigaba wuxuu ahaa barnaamij noocaa u qaabaysan oo aan wax siyaasad ah shaqo iyo shuqul toona ku lahayn.

Ladhka ama mawduuca sannadkan lagu daahfurey ee la falanqaynayay wuxuu ahaa ‘ Muwaaddinnimada iyo Masuuliyadda.’ Mawduucan oo sida uu muhiimka u yahay, ka hadalkiisuna uu muhiimad dheeraada leeyahay ayaa laga dooday in badan. Walow ay ku hoos jireen mawduucyo kale oo kaa hore xidhiidh toos ah, iyo mid aan toos ahayn ba la leh.
Bandhiggu waxbadan ayay u jeeddadiisu ahayd. Waxa ugu mudnaa waxa ay ahayd ‘ Kala faa’ideysiga’ iyo ‘ in Magaalada astaanteeda la sii xoojiyo’ labadaa ayaa ugu muhiimsanaa, waxaanna ku hoosjirtay in la soo bandhigo waxyaabo badan oo bulshada faa’ido u leh.
Agaasinkiisu qabyo ha iska ahaado, se waa loo hagarbaxay, oo si go’naansho leh ayuu u socday. Dhallinyaro badan ayaa si isxilqaamid ah u shaqaynaysay.
Haddaba aroortii abbaaro 09:40 ayuu bilaabmay bandhiggii. Dad badan oo masuuliyiin iyo mudanayaalba leh ayaa furey barnaamijka. Aroortii illaa duhurkii kolba qof ayaa lagu soo dhawaynayay oo bogaadin, hanbalyayn, waxkudarsi, iyo sida uu u arko laga dhegaysanayay. Aroortii koowaad hadaljeedin iyo furfurid uun bay ahayd.
Galabtii ayaa la yimid, galabtii waxaa bilaabmay in qaybo la isku qaybiyo oo kolba koox la dhegaysto ama waxa afka Ingiriisiga lagu yidhaa ‘ Sessions’ ama si kale aan u dhigee ‘ Panels.’ Galabtaasi maammulwanaaga, dawladnimada, dawladaha hoose iyo waxla halmaala ayaa laga dooday.
Habeennimadii maalinta koowaad, waxaa socday Panels kii. Hadda waxaa la bilaabay qeybtii Qoraayada iyo buugaagtooda. Qeybtani way badanyihiin maadaama marka la maqlo ‘ Bandhig Buugeed ~ Book Fair’ iyaga la xasuusnayo, mudanta koowaad ee barnaamijka loo qabtayna iyaga ahaayeen. Hadda qeybtii koowaad ee qoraayada ayaa habeenkaa la martiyay. Dhawr qoraa oo waaweynnaa ayaa buugtooda sharraxay, walow qaarkoodna ay abwaanno qoraayadaa ahayeen, dhawr maansana way raaciyeen. Habeenkii koowaad ee bandhigga sidaas ayuu ku soo xidhmay, waxyar haba ka danbeeyaane.
Waxaa la yimid maalintii labaad ee bandhigga. Waa aroornimo. Qeybo cusub ayaa la furey. Qebtan waxaa lagu furey aqoonyahanno shan ahaa oo ka doodayay ‘ Tacliinta Sare.’ Shanta Aqoonyahan midiba wax buu ka yidhi aqoonta sare, midi waxa ay tahay ayuu sheegay. Midkale waxyaabaha looga baahanyahay ayuu ku nuuxnuuxsaday. Ku kale sida loo maammulo tacliinta sare ayuu ka hadlay. Ku kale cidda aqoon sare bixin karta iyo qaybaheega ayuu sharraxay.
Isla aroortii haddana waxaa la furey qeyb ay hablo ah. Lix hablood ayaa ka dooday hawllo badan oo dumarku inta badan ka hadlaan. Waxbadan waxa ay ka yidhaahdeen waxa dumar ahaan kaga aaddan kolba meesha la joogo iyo wadciga la marayo, iyo sida loola jaanqaadi karo.
Isla aroortii waxaa haddana furmay qayb kale oo qoraayada ah. Hadda waa qoraayada dhallinyarada ah, ama immika uun saaxadda ku cusub. Kuwii xalay waxbadan bay kaga duwanyihiinm, oo kuwani hadda ayay cusubyihiin, saaxadda dhawaan ayay soo fuuleen. Dhallinyarada hal’abuurka ah dadaal badan baa ka muuqday. Buugtooda iyo waxyaabaha ay ka hadlayaan ayay warrameen oo ku dheeraadeen. Dhawr su’aaloodna waa laga wayddiiyay. Maalintii 2aad galabtii, waxaa furmay qayb kale oo kuwaa hore sii dabasocotaa.
Habeenkii labaad waxaa la dhegaystay oo hadlay dhawr dhiirrigeliye. Waxyaabo badan oo dhiirrigelinta ah ayay ka hadleen. Dadkii meesha joogay aad bay u luleen oo u dhiirrigeliyeen, quluubtooda way kiciyeen oo hadallo, sheekooyin, iyo waxyaabo kale oo dhiirrigelin iyo dhaqaajin nafeed ah ayay siiyeen. Habeenkaanna meesha iyada oo wada qiiro iyo dhiirrigelin la yahay ayay ka baxeen. Waayo dhiirrigeliyaan badan baa hadlay.
Maalintii saddexaad baa bilaabantay. Maalintaa waxbadan baa Pannels la furey, waxase ugu mudnayn oo xiiso badan lahayd mid gaar ah oo carruur ku marti ahayd. Saddex carruur ah iyo wiil  arrimaha carruurta ka shaqeeya ayay ahaayeen. Waxa ay ka warrameen carruurtaasi sida ay akhriska ku yihiin, waxa ay akhriyaan, sida ay waalidiintooda ula dhaqmaan, waxa ay xiiseeyaan, waxa ay jecelyihiin…. Iyo waxyaabo badan oo kale. Aad baa loo xiiseeyay, waxa aynna ahayd waxa Bandhigga Buugaagta Boorama uu kaga duwanaa bandhigyada dhiggiisa ah ee guyaal badan dhici jiray.
Sidoo kale, aroornimadaa waxaa iyaguna doorkooda ka qaatay ‘ Naadiyada Dhallinyara’ oo gobollo kala duwan ka socday. Arrimaha ay ka shaqeeyaan ka Naadi ahaan ayay sharraxayeen, sidoo kale waxa ay ka hadlayeen waxa u qabsoomay ee Naadi walba gobolka uu ka jiro, waxa u qabsoomay, waxa ka qabyoobay, iyo sida ay u sii dhammaystiri lahaayeen.
Maalintii saddexaad galabnimadii, waxaa iyana la furey barnaamij aad xiiso u lahaa, ahaana kuwii ugu xiisaha badnaa. Waxa wadasheekaysi iyo dhegaysi loo furey dhawr qof oo NAAFO ahaa, ama dadka innagu aynnu naafada nidhaa ee laxaadka kala kala dhantaalan, sida dadka indhaha aan waxba ka arag, lugahala’, dhegahala’, IWM. Dadka noocaasa ayaa inta Istayjka la soo istaajiyay waqti loo siiyay inay hadlaan, ka qaybgalayaashii bandigguna ay dhegaystaan oo horfadhiistaan. Dadkaasi baahidooda iyo waxyaabaha ay tabanayaan ayay ka hadleen. Sidoo kale, awoodahoogu inayna ahayn kuwo xidhxidhan oo waxa ay rabaan aynna ka hor istaagi karin ayay sheegeen. Runtii waxa ay ahaayeen dad dhiirran oo waxqabsi u diyaar ah, iyaguna aan isku arkayn ‘ Awoodla’aan’ iyo ‘ Inay xuduudi xidhi karto.’ Waa qayb ka mid ah waxyaabah Bandhigga Buugaagta Boorama uu kaga duwanaa Bandhigyada dhiggiisa ah.
Habeennimadii saddexaad waa habeenkii la soo xidhi lahaa barnaamijka saddexda cisho socday. Markii koowaad waxaa lagu furey inta aan xidhidda la gaadhin, dhawr hal’abuur oo aad suugaantoodu u sarreyso. Dhallinyaradaasi waxyaabo badan bay maansooyinkooga kaga warrameen, sida: Jaceylka, dawladwanaaga, ilbaxnimada IWM. Dabadeed waxaa toos loo gudagalay xafladdii xidhidda bandhigga. Dhar masuul iyo qofaf kale ayaa hadlay. Dabadeed waxaa lagu soo gunaanaday abaalmarin la siiyay ka shaqeeyayaashii barnaamijka iyo ka qeybgalayaashii. Dadabeedna qufulkaa lagu dhuftay, sidaas ayaanna loo xidhay bandhiggii saddexda cisho socday.

Bandhiggu si guud sidaas ayuu u dhacay, jawigiisuna ahaa. Waa bandhiggii koowaad ee noociisa oo kale ah ee Boorama ka dhaca. Dhalliilo kooban waa laga heli karaa, se maadaama uu kii koowaad ahaa kuwa danbe inaan hagaajinno ayaannu isku dayi.



W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
04 Ogosto, 2019

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?